Warsaxaafadeed: R/wasaare Saacid Oo Saaka Kormeeray Dhismayaal Ka Soconaya Galmudug, Xarigana Ka Jaray Garoonka K/Cagta C/llaahi Ciise.*Daawo Sawirada*

0
IMG_4079Gaalkacyo, (AGGM): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa saaka kormeeray qeybo ka tirsan magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug, wuxuuna xariga ka jaray garoon K/cagta oo loogu magac daray Cabdullaahi Ciise. asaga oo dhanka kale kormeeray xabsi dhexe iyo Garoon diyaaradeed kuwaasoo howlo dhismo ah ay ku soconeyso.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa khudbad ka jeediyay garoonka oo ay ku sugnaayeen boqolaal dadweyne ah oo u badan arday iyo ciyaartoy, waxaana uu ugu hambalyeeyey maamulka Galmudug sida ay u horumarinayaan degaanka. wuuna dhanka kale ku ammaanay inay maanka ku hayaan dadkii muwaadiniinta ahaa ee dalka iyo dadka taariikhda ku lahaa.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan xariga ka jaro garoon aad ugu magac darteen nin halyey qaali ah, ummadda Soomaaliyeedna ay qadarin u hayaan, waana idiinkaga mahadcelineynaa” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xusay in dhismaha garoonkani uu qeyb ka qaadan doono is dhexgalka bulshada iyo nabadda.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa balan qaaday codsi uu soo jeediyay Wasiirka Isboortiga Galmudug Saadaq Daahir, kaasoo ku aadanaa kharashaad ka dhiman dhameystirka garoonka, wuxuuna Ra’iisal Wasaaruhu goobta caddeeyey in Dowladda Federaalku bixineyso kharashka dhameystirka dhismaha garoonka.
Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa kale oo ay kormeereen dhismaha Xabsi weyn oo laga dhisayo meel duleedka ka ah magaalada Gaalkacyo.
Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa kormeeray dhismaha garoon diyaaradeed kaasoo laga hirgelinayo duleedka magaalada, waxaana ka soconeysay xilliga uu booqanayay R.wasaaruhu dhismo ay wadeen cagaf cagafyo, waxaana howlwadeen ka ah Xil. Cismaan Xasan Cali (Caato), oo isagu si iskaa wax u qabso ah ugu deeqay qalabka.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa kula dardaarmay shacabka reer Gaalkacyo inay ku dadaalaan nabadda iyo horumarka, wuxuuna kula kaftamay “Reer Gaalkacyo dagaalka kaalinta aad ka qaadataan waa inaad nabadda ka qaadataan, waxaana tusaale u ah inaad nabadda dhankeeda u weecateen horumarka iyo dhismayaasha aad ka sameyneysaan magaalada” ayuu yiri isaga oo ka dalbaday in wixii maanta ka dambeeya aysan dhicin in magaalada Gaalkacyo labo u qeybsanto, isla markaana shacabka labada maamul ay si xor ah oo nabad ah u maraan.IMG_4079

IMG_4077

IMG_4080

IMG_4072

IMG_4087

IMG_4065

IMG_4100

IMG_4135

IMG_4129

IMG_4122

IMG_4112

IMG_4061

IMG_4050

IMG_4047

IMG_4043

Garad Salad Hersi
Press officer
Galkacyo, SomaliaIsha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com