Ra’iisul W. Soomaaliya Ayaa Saaka Kulamo La Qaatay Maamulka Gobolka Mudug ee Waqooyiga Galakacyo.*Daawo Sawirada*

0

IMG_3938Galkacyo, 12, Mar, 2013,,..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo maalmahaan booqasho ku joogay Maamul Goboleedka Puntland ayaa saaka magaalada Gaalkacyo kulamo kula qaatay bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamada uu la qaatay reer Galkacyo waxaa diirada lagu saaray dhanka amaanka, horumarinta, iyo dib-u-dhiska, waxaana kulankaas ka qayb qaatay Maamulka Gobolka, Ganacsatada, Aqoonyahanka, Nabadoonada, iyo Dhalinyarada.

Ugu horrayntii maamulka gobolka ayaa ka warbixiyey xaalada nabad galyada oo waayahaan danbe ay ka jireen shaqaaqooyin u dhaxeeya dadka deegaanka, iyagoona sheegay in gobolka Mudug uu muhiimad gaar ah u leeyahay dowladda Soomaaliya marka laga hadlayo dib-u-heshiisiinta, madaama ay tahay Galkacyo magaalo kala qaybsan loona baahan yahay in dowladu qayb weyn ka qaadato ka miro dhalinta arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo is dhexgalka bulshada.

Maamulka Gobolka iyo wax garadkii ka qayb galay kulanka ayaa ka codsady dowlada federaalka ah in ay kala shaqayso sidii dadka ku dhaqan gobolka mudug ay ugu wada noolaan lahaayeen si nabad galyo ah, waxayna sidoo kale u sheegeen Ra’iisul Wasaaraha in laga taageero dib-u-dhiska garoonka diyaaradaha ee Galkacyo iyo Wadada isku xirta Galkacyo iyo Garacad oo muhiim u ah isu socodka dadka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u xaqiijiyey reer Galakcyo in dowladu ay lagarab taagan tahay sidii ay ugala shaqayn lahayd amniga iyo dib-u-dhiska.

“Waxaan marka hore idiinka mahad celinayaa sidii gobolka mudug  u soo dhaweyey magaacaabistayda. Intii aan ku sugnaa Puntland waxaan wada hadal dheer la yeelanay maamulka, waxaana soo saarnay heshiis wax ku ool ah, arimihii aad naga codsateen badankoodu waxay qayb ka ahaayeen heshiiska aan la galnay madaxdiina, ka dowlad ahaan waxaan jecel nahay is dhex gal iyo amaan ay dadku ku wada noolaadaan, waxaana magacaabay gudo heer wasiir ah oo ka shaqayn doona sidii xal looga gaari lahaa arimaha soo noq noqnaya oo dhibaatada u horseedi kara dadka ku dhaqan gobolka mudug” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale xusay in ay adagtahay in la sameeyo horumar la taaban karo hadii aan heshiis laga gaarin arimaha nabad galyada. Waxayna dowladu diyaar la tahay inay idinka caawiso wixii dhaqaaale iyo farsamo ah oo xal loogu heli karo nabad ku soo dabaalida gobolka mudug.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maamulka Puntland kulamadii ay la soo qaateen ay ku jirtay sidii looga taageeri lahaa ciribtirka kooxaha nabad diidka ah.

“Dhibaatooyinka ay kooxaha nabad diidka ah ku hayaan Puntland waxaan balan qaadnay ka dowlad ahaan inaan gacan weyn ka gaysano sidii loo cirib tiri lahaa, waxaan sidoo kale yeelanaynaa iskaashi ka wanaagsan kii hore si loo xaqiijiyo wada shaqayn buuxda oo dhex marta Puntland iyo Dowlada Federaalka ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa oo ay wehliyaan  maamulka gobolka, ayaa ku booqday hoygiisa Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka mid ah Isimada loogu qadarinta badan yahay Soomaaliya.

IMG_4016

IMG_4014

IMG_4008

IMG_3997

IMG_3948

IMG_3946

IMG_3944

IMG_3942

IMG_3938

IMG_3936

IMG_3934

IMG_3923

IMG_3921

IMG_3918

IMG_3915

IMG_3809

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com