Gudoomiyaha Gobolka Gedo Oo Ka Hadlay Ciidamo Fariisimo Ka Sameystay Garoonka Diyaarada Magaalada Kismaayo.

0

kaliil111Garbahaarey (AGGM): Guddoomiyaha maamulka dowladda Soomaaliya ee gobollka Gado ayaa markii ugu horeysay ka warbixiyay ciidamo gaaray dhawaan dulleedka magaalada Kismaayo, kuwaasoo la sheegay in ay ka ababaxeen degmada Ceel-waag ee gobollka Gedo.

Max’ed Cabdi Kaliil guddoomiyaha gobollka Gedo ayaa sheegay in ciidamada tagay dulleedka magaalada Kismaayo yihiin sida uu hadalka u dhigay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya soo sida uu sheegay doonaya in ay sugnaa nabad-galyada iyo amniga gobollada Jubbooyinka.

Guddoomiyaha ayaa wax aad looga xumaado ku tilmaamay sida uu hadalka u dhigay wararka ka soo yeeraya xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ku tilmaamay ciidamada tagay dulleedka Kismaayo in ay yihiin Al-shabaab, isaga oo sheegay in ragga eryadaa ku hadllaya sida ugu dhaqsiyaha badan maxkamad loo soo tagaayo.

‘’Waa been abuur ciidamadas ma’aha Al-shabaab waa ciidamo Soomaaliyeed, dowladda waxaa ka dooneyna in ay sida ugu dhaqsiyaha badan maxkamad u hor keento ragga ka tirsn baarlamaanka ee u gafa ciidamada,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobollka Gedo.

Mar wax laga weydiiyay halka ay soo mareen ciidamada maadaama xildhibaannada baarlamaanka sheegeen in ciidamadaas soo dhaxmareen deegaanno ay ka taliyaan Al-shabaab iyaga oo aan wax dhibaato ah la kulmin, ayuu beeninayay arintaa iyada ah guddoomiyaha.

‘’Ciidamada waxaa ay mareen xadka Soomaaliya Kenya, halkaa ayeeyna ka galeen Kismaayo, waa been ma aysan marin dhul ay Al-shabaab ka taliyaan,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo.

Ciidamada gaaray dulleedka Kismaayo oo la sheegay in ay ku sii jeedaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobollka Jubbada hoose ayaa xiisad weyn ka abuuray gobollka, waxaana ay hadda is hor fadhiyaan ciidamada Raakanboono oo doonaya in ay ka difaacaan magaaalda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com