Warsaxaafadeed: R/wasaaraha Soomaaliya Ayaa Khudbad Dheer Ka Jeediyey Golaha Baarlamaanka Puntland Kormeerna Ku Tagay Xarumo Kala Duwan.*Daawo Sawirada*

0

IMG_3369Garoowe,(AGGM):Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo waftigii uu hogaaminayey oo maalintii labaad booqasho ku joogo maamul gobleedka Puntland ayaa khudbad dheer ka jeediyey xarunta golaha baarlamaanka Puntland, waxaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu booqasho ku soo kala bixiyey xarumo kala duwan, sida Wasaaradaha Cadaaladda, Caafimaadka, Xabsiga weyn oo dhisme ku socdo iyo Madaxtooyada Cusub oo dhismaheedu marayo heer gaba gabo ah.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey xarunta golaha baarlamaanka Puntland, isagoona aad uga hadlay Ahmiyada ay leedahay wada jirka iyo midnimadda Soomaaliya, isagoona xusay in loo baahan yahay in wax kasta oo walaac laga muujiyo loo xaliyo si hoose.

Intii uu ku guda jiray khudbadiisa Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu soo hadal qaaday arimaha Federaalka isagoona tilamaamay in Puntland ay mudan tahay in looga daydo sida ay u xasiliso arimaheeda gudaha iyo sdii ay udub dhaxaad ugu noqon lahayd sidii Soomaaliya looga hirgalin lahaa nidaam ku salaysan federaalisam, Puntland dhankeedana looga baahan yahay in ay muujiso sidii Soomaaliyada cusub ugu noqon lahayd tusaale fiican marka laga hadlayo arimaha maamul wanaaga.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa ku aamany Maamulka Puntland sida wanaagsan ee ay ugu soo dhabar adaygeen sidii Soomaaliya looga saari lahaa KMG.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay cunaqabtayta hubka ee laga qaaday Soomaaliya, wuxuuna yiri.

”Guul ayeey u tahay dhamaan umadda Soomaaliyeed, hadiise ay jiraan dad ka qaba walaac, waxaan u cadaynaynaa in siyaasada dowladu ay tahay in hubkaas shacabka Soomaaliyeed looga difaaco cadowga laguna ilaaliyo qaranimada Soomaaliya.”

Ra’iisul wasaare Saacid ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland in ay ku dadaalan sidii ay uga miro dhalin lahaayeen siyaasada ku dhisan dimuqraadiyada, loona baahan yahay in la muujiyo dulqaad waqtiga loo gudbayo dhismaha maamul ay dadku soo doortaan, ayn amumiih tahay in lagu xaliyo khilaaf kasta oo yimaada wada hadal.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud  Faroole iyo ku xigeenkiisa Mudane Cabdi Zamad Cali Shire ayaa booqasho socod ah ku soo kala bixiyeye qaar ka mid ah wasaaradaha maamulka Puntland iyo Xarumo ay ka mid tahay madaxtooyada cusub ee puntland oo dhisme balaaran ka socdo.

Fadlan Hoos kala baxa lifaaqa Khudbadii Ra’iisul Wasaaraha oo dhamaystiran

Halkan Guji Kana Akhriso Khudbadi R/wasare Saacid.

—DHAMAAD—-

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Garoowe, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com