Wararki Ugu Dambeeyay Maanta Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta isgaarsiinta magaalada ay hawada ka maqneyd, balse saacad ka hor ay dib ugu soo laabatay hawada.

Warbaahinta Allgalgaduud Media oo xiriir qadka telefoonka ah la sameeysay mas’uul ku sugan gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay in maanta isgaarsiinta hawada ka maqneyd, islamarkaana lagu waday horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo Col Yaasiin Nuur Gaas oo uu khilaaf ba’an ka dhex aloosnaa maalmihi la soo dhaafay inay u ambabaxaan magaalada Nairobi oo looga yeeray, balse safarkoodaas uu hadda baaqday kadib marki Wasiirka Gaashaandhig DFS uu ku wargaliyay in wafdi ka socda wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya iyo AMISOM ay imaanayaan magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale mas’uulkan ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay in  xaalada magaalada ay hadda tahay mid kacsan, islamarkaana ay jiraan dhaqaaqyo ciidan oo socday ilaa shalay oo ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo difaacyo adag ka kala sameeystay magaalada gudaheeda iyo daafaheedaba.

Isku soo wada duub oo markaad wareeysato dadka ku sugan gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxa ay kuu xaqiijinayaan amaba kuu sheegayaan in aysan hureyn marnaba in magaalada Kismaayo dagaal ka dhaco, waxa kale oo ay goobjoogayaashan ku sugan gudaha magaalada kuu sheegayaan in gabi ahaanba uu meesha ka baxay shirkii lagu sheegayay in maamul loogu yagleelayo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo xataa qaban qaabiyeyaashi shirka ay qeeyb ka yihiin dhaq dhaqaayadan ciidan ee ka socda gudaha magaalada Kismaayo.

Waxii kasoo kordha wararka magaalada Kismaayo Kala Soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com