Taariikh Nololeedka Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Dahir Adan Elmi "Indhoqarsho".

0

Gen. IndhoqarshoTaliyaha cusub ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Waxa uu ku Dhashay, Magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug sanadkii 1948.

S/Guuto Indhoqarsho Waxbarashadiisi  Dugsiga Hoose (Sudan Interior Mission School) ee magaalada Buulo Burte, Dugsiga Dhexe ( American Minnenite Mission) oo la oran jiray Shabeelle Intermediate School ee magaaladda Jowhar, Dugsi Sare wuxuu ku soo qaatay Benadir Secondary School ee magalada Muqdisho, waxuu aqoonta Jamacad ku soo qaatay USA University of Massachusetts Boston, Wuxuu ku soo biiray Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed 1968, wuxune tababar ku soo qatay Kuliyadda Tababarka Ciidanka ee magaalada Odessa ee dalkii Midowga Soofiyeeti. Sidoo kale wuxuu tababarro guud iyo kuwo khaas ku qaatay dalka gudihiisa (Tababar Abbanduul) iyo dibeddiisa (Command General Staff College, Kansas, USA).

S/Guuto Indhaqarsho Wuxuu ka soo shaqeeyay qeybo badan ee Ciidanka Xogga Soomaliyeed (Qeybta 60-aad, Qeybta 21-add, Qeybta 26-aad), isagoo ka qabtay xilal howlgal iyo mid hogaamiyeed.

Sidoo kale wuxuu jagooyin kala duwan ka qabtay Taliska Guud ee Wasaaradda Gashandhigga iyo Kuliyadihii waxbarashada ee Xogga Dalka Soomaaliyeed. S/Guuto Dahir Adan Elmi wuxuu mudadii Ciidanka uu ka tirsanaa muujiyay Hawlkarnimo, Hoggamin, Mamul Hufan iyo Geesinnimo.

Sifooyinkaas awgeed wuxuu ku muteystay Billadda Dahabka ee Geesinnimada.

Fiiro Gaar Ah. Waa Inta Inoo Suuragashay Inaan Ka Helno Taariikh Nololeedka Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Dahir Aden Cilmi “Indhoqarsho”.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com