War Deg Deg Ah: Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka KMG Ah Ee Magaalada Kismaayo Col. Yaasiin Nuur Gaas Oo Ka Bad Baaday Isku Day Dil.

0

breaking_news-620x3301Kismaayo (AGGM): Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in uu saacad ka hor uu isku day dil ka bad baaday Gudoomiye ku xigeenka maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo Col. Yaasiin Nuur Gaas (Yaasiin Indhoraadeer) oo ay soo maleegeen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Col. Yaasiin Indhoraadeer oo ay galbinyaan gaadiidka ciidamada Ilaaladiisa kuna sii jeeda Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ay jidka u galeen qaar ka tirsan maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni, waxa ayna ku soo rideen rasaas iyo Baasuuke gaarigi uu saarnaa Col. Yaasiin Indharaadeer oo ay la waayeen inay lahelaan rasaasta iyo Baasukihi ay ku soo rideen.

Ilaalada gaarka ah ee Col. Yaasiin Nuur Gaas ayaa durbaba waxa ay ugu jawaabeen rasaas culus oo kala yaacisay maleeshiyo beeleedki jidka u galay kuna fashilmay inay dilaan Col Yaasiin Nuur Gaas.

Col. Yaasiin Indhoraadeer ayaa haba yaraato’e wax dhibaato ah kasoo gaarin weerarkaas waxuushnimada ah, haddana waxa uu ku sugan yahay xarunta uu ka dagan yahay Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Isku soo wada duub oo isku daygan dil ee lala damacsanaa Col Yaasiin Nuur Gaas ayaan waxa ay noqon doonin midii ugu dambeeysay ee ka dhacda magaalada Kismaayo haddaan si deg deg ah wax looga qaban mnaleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com