Wararkii Ugu Danbeeyay Doorashada Madaxtinimada Dalka Kenya.

0

KENYAN ELECTIONNairobi (AGGM): Wali waxaa xarunta Bomas ee magaalada Nairobi ka socto tirinta codadkii laga dhiibtay doorashadii Isniintii aynu soo dhaafnay ka qabsoomtay dalka Kenya, iyadoo dhinaca kalana guddi doorashada Kenya iska diideen eedeyntii uga timid isbaheysiga CORD ee uu hogaamiyo Raila Odinga.

Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxa banaan ee dalka Kenya Axmed Isaaq ayaa sheegay in sabab loo joojiyo tirinta codadka doorashada aysan jirin, madaama guddigoodu dhax dhaxaad ka yahay doorashada.

‘’Lama joojin doono tirinta codadka cid kasta oo arinta shaki ka qabtaa waa ay martaa dhabaha sharciga ah, annaga dhax dhaxaad ayaan ka nahay doorashada, xitaa annaga oo xaq u leh in aynu codeyno ayaan iska joojinay si aan u ilaalino dhax dhaxadnimadeena,’’ ayuu yiri Axmed Isaaq.

Guddiyo ka kala socda musharixiinta u tartameysa doorashada ayaa ku sugan xarunta Bomas ee magaalada Nairobi, waxaana loo balansan yahay maanta oo Jicmo ah in ugu danbeyntii la soo saaro natiijada rasmiga ah ee doorashada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com