Wararki Ugu Dambeeyay Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

top newsKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada magaalada ay aad u dagan tahay, kadib marki ay boolo xooftayn sameeyeen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni balse marki dambe ay ka dhacday Jiir (Dooli) Bisad arkay oo magaaladi ayaa waxaa mar qura laga waayay maleeshiyaadki humbaaleenayay.

Warkan ayaa intaas waxa uu ku darayaa ciidamada dowladda ee shalay galinki dambe soo gaaray magaalada Kismaayo ee kasoo kicitimay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo in ay maanta ku xoolo qasheen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo haddana ay ku jiraan nasasho tii ugu wanaagsaneed iyaga iyo saraakiishi hogaamineysay, halka badankoodna ay gudaha u soo galeen magaalada oo ay ka iibsadeen waxay doonayeen iyaga oo wata gaadiidkooda dagaalka.

Ciidamadan ayaa waxa ay yihiin ciidamo aad u tababaran islamarkaana aad u hubeeysan watana gaadiidka dagaalka oo fara badan ayaa habba yaraato’e aysan jirin wax caqabad ah oo ka hortaagan joogi taankooda magaalada Kismaayo.

Warar been abuur ah ayaa waxa ay daabaceen qaar kamid shabakadaha mamulada Xinland iyo Hunguriland oo ay ku sheegeen in hub ka dhigis lagu sameeyay ciidamada kasoo kicitimay gobolka Gedo ee soo gaaray magaalada Kismaayo.

Horjoogeyaasha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxa ay isku dayeen inay ciidamada dowladda ku tilmaamaan inay ka tirsan yihiin Al Shabaab balse waxa ay hilmaameen in ciidamadan ay yihiin kuwii lagu soo tababaray dalka Kenya, gaadiidka iyo hubka ay wataana uu yahay kuwo u qoran dowladda Kenya, islamarkaana saraakiisha ciidamada AMISOM ee magaalada Kismaayo ayaa arintaas waxa ay ku timaameen wax lagu qoslo waxa ayna ku wargaliyeen horjoogeyaasha maleeshiyo beeledka Raaskambooni inay xeryahooda ku laabtaan hadii aysan ku laabana inay qaadayaan mas’uuliyada waxii ka dhasha isku dhac dhexmara ciidamada Dowladda iyo Jabhad beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duub oo magaalada Kismaayo ayaa ah magaalo foolanayasa waxaana leeys weeydiinayaan tolow ma waxay dhali doontaa Wiil Soomaali ah mise Wiil Kenyati ah.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com