Wariika Arrimaha Dibadda Fowsiyo Yuusuf "Dowladda Qadar Mashaariic Hormarineed Ayeey Ka Fulineysaa Soomaaliya".*Dhagayso*

0

Fowsiyo-MuqdishoMuqdisho (AGGM);Wasiirrka wasaarrada arrimaha dibada xukuumada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ka warbixisay hishiis dhaxmaray dowladdaha Soomaaliya iyo Qadar.

Kadib kulan magaalada Dooxa ku dhaxmaray mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan dowladda Qadar, ayeey sheegtay wasiirrka arrimaha dibada xukuumada Soomaaliya in leysku afgartay qodobo dhowr ah.

‘’Waxaa ugu muhiimsanaa hishiiska in dowladda Qadar mashaariic hormarineed ku caawiso dowladda Soomaaliya, mashaarciidaas oo ay qeyb ka yihiin waxbarashada iyo caafimaadka ayeey,’’ tiri wasiirrka arrimaha dibada xukuumada Soomaaliya.

Waxaa ay sheegtay in kulankaas uu ahaa mid siweyn leysugu raacay ama lagu hishiiyay in dowladda Qadar ay gacan taageero oo buuxda siiso dowladda Soomaaliya.

Dhawaan waxaa booqday magaalada Dooxa ee dalka Qadar wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu horkacayay madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/d_wasiirka_arrimaha_debadda__fowsiyo_xaaji_aadan_oo_ka_hadleysa_safarkii_ay_ku_tageen_wadanka_qadar_wafdigii_uu_hogaaminayay_madaxweynaha_soomaaliya_1.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com