Ururka “SAHAL”, Waa Kuma? Maqaal Xambaarsan Xog Kaa Qarsoon.Qeybti 2aad.

0
sahal waa kumaQaraabo, waxaan qormadeydii hore gudeheeda idinkugu ballan qaaday in aan idiin soo gudbin doono arrimo badan oo ku saabsan ururka SAHAL.Arrimahaas waxaa kamid ahaa Been-Abuurro lagu faafiyay dunida oo idil iyadoo ujeedooyinka laga lahaana ay ugu horreyso, “Kala geynta qabaaillada Soomaaliyeed hadey ahaan laheyd, heer shaqsi, (Siyaasiyiinta), heer qoys, heer qabiil iyo heer qaranba, si bulshadoo qaliban looga horkeeno Dawladooda Soomaaliyeed kadibna loo fashiliyo Nidaamka wanaagsan ee ay hogaanka u hayaan, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Mudane Saacid Faarax Shiirdoon.”
Hadaba mid kamid ah arrimahaan ballan qaadnay ee aan rabno in aan halkaan ku soo gudbinaynaahi waa, Been-Abuur ku saabsan xildhibaan ka badbaaday dil isku day ah oo loogu geysan rabay hoteel ku yaalla magaalada Muqdisho.Waxaan tilmaami doonnaa waxa uu ku saabsanyahay been-abuurkaas, Ujeedka laga lahaa, iyo dadka ka qeyb-qaatay ee aan ilaa iyo hada ka xusi karno.

Waxaa jira Qabaaillo si toos ah uu ururka SAHAL yoolkoodu u saaranyahay waxaanse hadii uu Eebe idmo si gaar ah qabaailadaas ugu falanqeyn doonnaa hirarka dambe ee qormooyinkeenna.

BEEN-ABUURRADA AY CURIYEEN URURKA  SAHAL.
Aamusnaan siyaasadeed oo ay Dawladu kaga gaabsatay ka hadalka gobollada Jubooyinka iyo la moogeysiga maamul qabyo ah oo la sheegay inuu ka jiro magaalada Kismaayo, iyo tu kaloo aamusnaanta dawlada wehelisay oo ah shirar iyo wadatashiyo ka socday gobolka Gedo, ayaa abuuray kalsooni-darro soo wajahday hogaanka sare ee jabhada Raaskambooni iyo Ururka SAHAL.Ururka SAHAL sidaan horeyba u sheegnay waxaa loo aas’aasay difaacida dano gaar ah iyo dibindaabyaynta dalkeenna iyo dadkeenna.
Kalsooni-darrida Kambooni iyo SaHal waxay aheyd mid ku wajahan xiriirrada diblamaasi ee dhex mari kara masuuliyiinta Dawlada iyo qaar kamid ah masuuliyiin kasoo jeeda gobollada Jubooyinka, khaasatan Gedo oo uu maqnaanshahoodu kurbo weyn ku hayay Kanbooni iyo SaHaL.Afar kamid ah masuuliyiinta Gedo waxay Kanbooni kuwaafaqsanyeen/yihiin yagleelida Maamul aan udbo ad’adag ku taagneyn oo ka hirgala Jubooyinka, kuna saleysan degdegsiinyo iyo duudsi ka dhan ah Dadka, Dalka, iyo Dawlada Soomliyeed.
Si ay markaas oga hortagaan isfaham dhexmara Dawlada Soomaaliyeed iyo Masuuliyiinta faro-kutiriska ah ee ay isku aragtida yihiin Jabhada Kanbooni, ee kala ah Maxamed Maxamuud Yuusuf (Awlibaax), Cali Madoobe iyo Cabdullaahi Fartaag, ayaa ururka SAHAL waxay istuseen in ay adeegsadaan waxoodii xilka lahaa, (Been-Abuur).
Iyagoo arrinkaas ka duulaya ayaa hadaba waxaa magaalada London shir qarsoodi ah (Waa siday u arkayeene) ku qabsaday Xubnaha ugu firfircoon ururka SAHAL oo uu kamid yahay nin lagu magacaabo, Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuubsireed).Xuseen wuxuu ahaan jiray lataliyihii Madaxweynihii hore Allaha u naxaariistee, Cabdullahi Yuusuf Axmed. Xuseen sidoo kale waa maamulaha shabakada Allidamaale.com oo lafdhabar u ah ururka SAHAL.
Xog kamid ah xogaha aan helnay waxay tilmaameysaa in uu Xuseen oga qeybgalay “Faqqaas” qaab teleefon.Waxaa dhici karta in uu telefoonka la sheegayaahi yahay mid ay xog kale tilmaamayso oo sheegaya in ay shirkaasi xaga taleefonka kaga soo qaybgaleen xubno ku sugan Kenya iyo Soomaaliya.Shirkaas waxaa sidoo kale ku tolnaa kuwa kale oo ku qabsoomay Brimingham iyo Leicester, England iyo Oslo, Norway.
Kulankaas kadib waxaa ay ururka hagardaamada Soomaaliyeed (SAHAL) soo saareen islana meeldhigeen qodobo aanaan si buuxda u helin ilaayo hada aanse wali ku mashquulsannahay faagidooda.Raad rasmi ah oo ay ka muuqato in uusan ku dhamaaneyn meel kheyr qabta ayaa muujinaya been-abuurro isdabajoog ah oo ay curiyeen ururka SAHAL, soo bandhigistiisana ay ka qeybqaateen xubno katirsan Baarlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya, Jabhada Raaskambooni, Shabakadaha Soomaaliyeed qaarkood, shaqsiyaad ka tirsan ciidamada Dawlada, iyo shacab fara badan oo warmoogayaal ah isuguna jira odayaal, dhalinyaro, iyo haweenba.
Hadaba inagoo tixgalinayna nabadgalyada shacabka Soomaaliyeed kana feejigan xasaradaha ay abuuri karaan gudbinta xogaha qaarkooda foolfoosha xun oo ay kamid yihiin muwaadiniin dil loogu geystay magaalada Kismaayo, ayaan waxaan ku gaabsanaynaa soo bandhigida dhowr been-abuur oo uu kamidyahay midka ujeedkeennu yahay in aan halkaan idinkugu soo gudbino.
Dhowrka Been-abuur ee aan hayno ee ay curiyeen ururka SAHAL waxaa kamid ah;
• U muujinta in ay Dawladu (Xasan iyo Saacid) carqalad ku tahay Nidaam ka hirgala Jubooyinka, ayna xaqooda qarinayso duullaana ku tahay Beelo khaas ah. (Been-abuur)
• Diyaarad ay sheegeen in ay Muqdisho ka duuli laheyd oo ay Dawladu hor istaagtay si loo xannibo ergo ka imaan laheyd gobolka Gedo oo ka qeybgali laheyd “shirka” Jubooyinka. (Been-abuur) , (meelo kale, Saacid baa xanibay bay dheheen.) Raadi.
“XILDHIBAAN XIDIG OO DIL KA BADBAADAY” (Been-abuur)
Taariikhdu markay aheyd 24-2-2013, waxaa shabakadaha sida khaaska ah ugu adeega ururka SAHAL kusoo baxay war been-abuur ah oo sheegaya in xildhibaan katirsan Baarlamaanka soomaaliya uu ka badbaaday isku day dil  ah oo la rabay in lagu khaarajiyo, Kaw looga siiyo “Xildhibaanka Soomaaliyeed”.Sida ay u dhigeen/alifeen madaxyo-weynta Sahal, Xildhibaanka khaarajintiisa waxaa laga soo abaabulay Villa-Somalia waxaana iska kaashaday masuuliyiinta dawlada iyo hawlwadeennada Radiomuqdisho, kadib markuu Xildhibaanku “Cadeeyay” in dagaalkii ka dhacay Kismaayo (23-2-2013) uu ahaa mid ay soo abaabuleen masuuliyiin ku sugan Villa-Somalia.
Marka loo fiiriyo maqaal uu la laabtay allidamaale.com, habka ay wax u dheceen, iyo jawiga guud ee dagaalkaas, waxaa muuqanaya sawir humaagtiisa leh oo kuu birbirinaya in dagaalkaas uu fikir ahaan oga jiray London, England kahor intuusan ficil ahaan oga dhicin Kismaayo, Soomaaliya.
Waxaa xusid mudan in been-abuurka dilka Xildhibaanka ku saabsan uu ku soo baxay shabakadaha qaarkood taariikhdu markay aheyd, 24-2-2013 halka uu qaarkalana kusoo baxay 25-2-2013.Qormadaas been-abuurka ah oo aan filayo inay kasoo farcantay Warsidaha Allidamaale.com ayaa ah mid farriinteeda lagu jaangoynayay hadba bulshada lala beegsanayo.Tusaale ahaan, warka loogu talogalay bulshada ku dhaqan Waqooyi-Bari, Somaliya wuu ka gedisanyahay kan loogu talogalay Jubada-dhexe iyadoo isla mar ahaantaasna warku xambaarsanyahay hal farriin.
Fadlan akhri kadibna isbarbar dhig labadaan qormo ee isku midka ah hadana kala duwan. Waa warka Been-abuurka ah ee kasoo fulay ururka SAHAL.  (Haku sirmin magaca “Cali Yare” ee la adeegsaday)
Commentska ma eegtay? Ma ku dhex aragtay Sahal oo farriintooda si fasiix ah u gudbinaya?
Fadlan markale isbarbardhig labadaan akhris oo ay midna baahisay mid kamid ah shabakadaha SAHAL, miduna ku saxiixanyahay magaca ururka SAHAL.
Labaduba waxay kasoo fuleen ururka SAHAL waxaana saaran isku hal laxan;
(1) “”Halkii ayay ilaalada ku fashiliyeen weerarkii qorsheysnaa ee lagu qaarijini rabay xildhibaan Cabdirashiid Xidig, kaasoo laga soo maleegay Madaxtooyada.Cabdirashiid Xidig waa mudane hadala cad cad isla Markaasina aan ka gabanin waxa uu xaqa u leeyahay iyo dulmiga lagu hayo deegaanada laga soo doortay ee Mudanaha u yahay.Waa xildhibaanka keliya ee gobalada Jubboynka ugu jiro dowlada Federaalka ee ka dhiidhiya had iyo jeer qaladaadka lagula kacayo deegaanada uu matalo, waana tan lagu maagay oo weerarka loogu qaaday.””
(Warkaan waxaa la laabtay shabakada kismaayood.com). Way dhici kartaa inuu aniga iga qarsoomay, laakiin nasiibwanaag waxaan ka hayaa koobi hadii loo baahdo.
(2) “”4. Waxaan si adag u cambaaraynaa isku daygii dilkii la rabay in magaalada Muqdishu loogu gaysto Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah xildhibaanadda Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed kuwooda uga kartida, daacadnimada, iyo xilkasnimada badan.Waxaan u aragnaa in isku dayga dilka Xildhibaan Cabdirashiid Xidig uu yahay mid loogu dan lahaa in lagu carqaladeeyo maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka isla markaasna lwaxaa la aaminsan yahay inuu ahaa mid ay soo abaabuleen siyaasiinta xafiiska madaxyanaha ee Villa Sooomaaliya;””
 
Dheeri: 
Arag Laxanka ay ururka SAHAL noo saareen ama ku lamaaniyeen Hab-dhaqanka Madaxweynaha Dalkeenna si ay u kharibaan Hab-fahankeenna ku aadan Madaxweeynaha. Akhri,
Sahal oo carcartiisa qaba. Akhri; Waxaa lasoo daabacay, 31 Oktoober, 2012.
Xildhibaanka magiciisa qardeeyay una hibeeyay ururka Sahal inay u adeegsadaan falalkooda sirgaxan ee gaboodfalka ku ah Qoyska iyo Qaranka Soomaaliyeed, waxaa  lagu magacaabaa Cabdirashiid Maxamed Xidig.Xidig waa xubin ka tirsan ururka SAHAL wuxuuna magaalada muqdisho ka dhoofay (24 ama 25)-2-2013 si ay isaga iyo dhowr Xildhibaan oo kale oga qeybgalaan xujana ugu noqdaan shir loo qoondeeyay inuu (28-2-2013) ka dhoco magaalada Kismaayo.
Shirkaas oo ay Jabhada Kanbooni iyo ururka SAHAL ugu talogaleen in ay boobsiiyaan arrimo aanaan garan awgood, ayaa ku soo gabogaboobay fashil  kadib markii ay Xidig, Shuuriye iyo Xildhibaano kale buuxin kari waayeen booskii Dawladnimo ee ay ururka SAHAL ugu talogaleen in ay ku gufeeyaan si uu “shirku” u noqdo mid ansax ah.
Ma hayno ilaayo hada wax war ah oo kasoo baxay Been-abuurkan ay ururka Sahal ugu talo galeen inay ku khaldaan mujtamaca Soomaaliyeed si ay ugu gaaraan danahooda qaloocan ee ah kala qoqobida qoyska Soomaaliyeed iyo abuurida qalalaaso markale curyaamiya Qowmiyadeena iyo Qarankeenaba.
Fikradaha kama dambeysta ah ee madaxeyga dhex hulaaqaya ayaa ku meeraysanaya in been-abuurkan waxyaabaha looga danlahaa ay sidoo kale kamid yihiin, iswaafajinta “hanjabaad” la sheegay inay kasoo yeertay beel soomaaliyeed oo nin looga dilay magaalada Kismaayo iyo ka hayaanka Muqdisho ee Xildhibaanada qaar, iyadoo loo muujinayo in aysan Muqdisho aheyn meel la isku haleyn karo, isla markaasna loogu raadgadayo Xildhibaanadii rabay inay ka qayb galaan shir ku sheegii Kismaayo.
Inagoon cidna tazkiyeyneyn, hadana u sawirida Muqdisho inay tahay meel harka cad la isqalanayo isla markaasna loo muujinayo in la beegsanayo beelweynta ku dhaqan Jubooyinka, Khaatumo, Galgaduud, Mudug iyo Waqooyi-bari, waa arrin looga dan leeyahay in looga hortago isdhexgalka iyo isfahamka bulshadeenna Soomaaliyeed. Waxay arrintani si toos ah u nuurinaysaa hadaf kamid ah ahdaafta SAHAL ee ah, “Kala fashkixinta Qoowmiyadeena Soomaaliyeed.”
SAHAL VS MASHALAAYE.
Mashalaaye waa muwaadin soomaaliyeed oo malaha naaneys ahaan u qaatay magacaan. Mashalaaye wuxuu akhriyay war ay soo daabacday shabakada allgedo,com, waa war iska caadi ah sida aad hoos ka akhrin doonto.  Qaybta commentiga/Oraahda ee isla webka waxaa ku qoran warbixin kale oo aan haba yaraatee wax xiriir ah la laheyn mawduuca uu webku soo bandhigay.
Warbixintaasu (Waa mida meesha commentiga ku qorane) waa isla warbixinta aan kor ku xusnay ee ay Faabrikeeyeen ururka SAHAL ee tilmaamaysa in uu Xildhibaan Xidig dil ka badbaaday.
Sida qoraalkiisa ka muuqata, Mashalaaye wuxuu ku wareeray ujeedka ay warbixinta danbe xambaarsantahay iyo waxa ay ka walax tahay. Wuxuu si ay caro ka muuqato isu weydiinayaa waxa lagala jeedo iyo waxa iska quseeya labada warbixinood, wuxuuna kamadbeystii ku dhacayaa xadgudub ka dhan ah muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed.
Waakan Mashalaaye oo dareenkiisa si caro leh u cabiraya. Akhri meesha commentiga (Ha ku sirmin magaca “Cabdiraxman Kismaayo”).
Ujeedka ay ururka SAHAL ka leeyihiin warkaan Been-abuurka ah ee ay daaqada oga soo dusinayaan bulshada ay filayaan amaba qiyaasayaan in ay webkaas si khaas ah ugu xiranyihiin, waa ka fogeeynta walaalohooda kale ee soomaaliyeed.Waxay u sawirayaan sawir khaldan oo ah in ay “Muqdisho Joogaan Bahallo wax cuna”, aysanna ku habooneyn in la tixgaliyo isdhexgalna lala sameeyo cid kastoo halkaas ku sugan maadaama ay beegsanayaan Xildhibaanada.Tani waa wadada ay rabaan in ay ururka SAHAL iyo Jabhada Kanbooni u maraan hirgalinta Maamul qalaad oo ay iyagu si khaas ah unuunka u hayaan.
Mashalaaye wuxuu tusaale u yahay dhowr iyo toban milyan oo kale oo soomaali ah oo ku wareersan meesha ay xaajadu iska qaban la’dahay, “Victamna” u ah ururka SAHAL iyo SAHAL oo kale. Fahamka ku adkaaday dartiis, waxay Mashalaaye ku xambaartay in uu dhibaateeyo bulsho kale oo soomaaliyeed    kana mid ah ehelkiisa si uu u qanciyo dareenkiisa walaaqmay.
XUBNAHA SAHAL EE LIISKEENII HORE KU SOO BIIRAY.
1, Maxamed Ismaaciil Shuuriye. Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya xubina ka ah SAHAL. (Jubada dhexe) Shuuriye wuu qalbi fiicnaaye SAHAL baa kharibay.
2, Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuubsireed). Lataliyihii Madaxweynihii hore Allaha u naxariistee, Cabdullahi Yuusuf Axmed. Sidoo kale waa maamulaha Allidamaale.com waana xubin qarsoon oo kamid ah SAHAL.
INAKU SOO FOOL LEH ASBUUCYADA IYO  BILAHA SOO SOCDA. (Insha’Allah)
Waxaa inaku soo fool leh arrimo badan oo ku saabsan hurinta colaadeed iyo hagardaamada ay ururka SAHAL la beegsanayaan mujtamaca soomaaliyeed gabi ahaanba. Dadka ugu horreeya ee ay SAHAL u mindiyo lisanayaan waa isla dadka ay ururka SAHAL sheegtaan inay “matalaan” ee ku nool, Khaatumo, Jubooyinka, Mudug, iyo  Galgaduud.
Waxaan sawirro fiican ka bixin doonnaa xiriirrada u dhaxeeya ururada; SAHAL, HORSEED, iyo RAASKANBOONI. Waxaan wax ka tilmaami doonnaa haykalka (Structurka) urukaan oo ay dabakhadiisa ugu sarreysa yoxolloobaan rag ay kamid yihiin Duq Faroole iyo Gaandi halka dabakhadiisa ugu hooseysana ay bilqanyihiin koox aan markaan magac u waayay isaga yeeray, “Qadaad weynta”.
Xog Dheeri Ah
Waxaan idin xusuusinayaa in uu Ururka SAHAL ka mug weynyahay, kana masiibo badanyahay sidaan moodnay markii hore. Ilaa iyo hada waxaan ku wareegeysanaynaa gafuurka hore ee ah inta muuqata oo kaliya. Waxaa jira dallad aad u baaxad weyn oo uu ururka SAHAL u yahay fududeeye. Sida aan ku helnay xog aan la isku haleyn karin, magaca SAHAL wuxuu ahaa “Facilitators” laakiin gadaal baa laga soomaaliyeeyay waana mida ka dhigtay SAHAL.
Wassalaamu Caleykum! 

Fiiro Gaar ah:  Ma iloobin in aan Gaandi liiska ku daro ee war baa iigu laaban. Sidoo kale, wuxuu war iigu laabanyahay shaqsiyaad kale oo uu kamidyahay nin lagu magacaabo, Deeq oo Norway ku sugan. 

 
W/Q Cabdinaasir C. Hangash. (Haad)
Caabudwaaq, Soomaaliya.

Fiiro Gaar Ah: Qoraalkan Waxii Dhaliil Ah Amaba Amaan Ah Ee Uu Xambaarsan Yahay  Fadlan Kala Xiriir Qoraaga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com