Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Soo Dhaweeyay Go’aankii Uu Qaatay Gollaha Amaanka.

0

xasan sheekh11Muqdisho (AGGM):  Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo uu dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib booqasho uu ku tagay magaalada Dooxa ee dalka Qadar ayaa sheegay in uu siweyn u soo dhaweynayo go’aanka gollaha amaanka QM uu ku qaaday xayiraadii hubka ee saarneyd Soomaaliya.

Waxana uu madaxweynuhu soo dhoweeyay go’aanka Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay ee ku aadan ka qaadista cunuqabeteynta hubka  ee dowladda Soomaaliya .

Fadhi uu maanta yeeshay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu uu goluhu isku raacay in muddo hal sano ah laga qaado cunoqabatayntii saarnayd dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu jiro la xisaabtan iyo mas’uuliyad la socoto ka qaadista cunoqabataynta hubka isagoo ku tilmaamay golaha ammaanka mid og isbedelka dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa u mahad celiyay qadarinta iyo fahamka golaha ammaanka waxana uu xusay in dowlada Soomaaliya ay mas’uuliyad iska saari doonto dhammaan sharciyada iyo shuruudaha la socda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com