Dowladda Mareykanka Oo Soo Dhaweysay Go’aankii Uu Qaatay Gollaha Amaanka.

0

susana riceNew York (AGGM): Dowladda Mareykanka oo ka hadashay go’aankii gollaha amaanka QM uu ku gaaray qaadista xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya ayaa sheegtay in golllaah amaanka QM uu ku qaatay talaabo uu isku bar bar taagayo dowladda federaalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo saxaafadda loo diray ayay Wakiilka Joogtada ah ee Maraykanka u fadhisa Qaramada Midoobay, Danjire Susan Rice ku sheegtay in qaraarka tirsigiisu yahay 2093 uu ka jawaabay codsigii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in la helo hal go’aan oo ay ku midaysan tahay bulshada caalamka si loo mideeyo howlaha bini’aadannimo iyo horumarka ee Qaramada Midoobay.

Susan waxay sheegtay in go’aankii aqlabiyadda lahaa ee shalay xubnaha ku jira Golaha Ammaanka ay ku qaadeen xayiraadda hubka ee Soomaaliya uu hal mid ah ka dhigayo taageerada Qaramada Midoobay ee lagu caawiyo dowladda Soomaaliya si ay adeegyada u gaarsiiso muwaaddiniinteeda.

“Golaha Ammaanka wuxuu isku af-gartay in la qaado xayiraadda hubka ee saaran dowladda Soomaaliya, iyadoo la qaadayo tallaabooyin lagu xaqiijinayo in horumarro laga sameeyo waaxda ammaanka, sidoo kalena cunaqabataynta ay sii saarnaan doonto kooxda al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagaxisada iyo xag-jirka isugu jira,” ayay tiri Susan Rice.

Danjiraha Maraykanka u fadhisa Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, ayna si dhow ula sii shaqeyn doonaan saaxiibbada gobolka iyo kuwa caalamka si loo horumariyo nolosha dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Maraykanka wuxuu u ololeynayay in la qaado xayiraadda hubka ee saarnayd Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay muddo sanad ah Soomaaliya ka qaaday cunnaqabateyntii dhanka hubka ee saarneyd labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Arrintan ayaa timid kaddib markii uu Golaha Ammaanka ka dooday, iyadoo 15-ka xubnood ay isku raaceen in Soomaaliya laga qaado cunnaqabateynta hubka.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dedaal ugu jirtay sidii looga qaadi lahaa cunnaqabateynta hubka ee saarnayd dalkeeda tan iyo sanadkii 1992.

–Dhamaad–

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com