Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Soomaaliya Oo Soo Gaaray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

0

breaking_news-620x3301Kismaayo (AGGM): Kismaayo (AGGM): Wararka  naga soo gaaraya Magaalo xeebeedka Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in galabta garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan Guutada koowaad ciidamada dowladda ee Jubbaland.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in Ciidamadan ay wataan 13 gadiidka Dagaalka ah  islamarkaana uu horkacayo Taliyaha  Guutada kowaad ee Ciidamada Jubbaland.

Ciidamadan ayaa waxa ay ka soo kicitimeen  Dagmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo  waxa ayna Gobolka Jubbada Hoose  ku yimaadeen badal rasmi ah.

Sarkaal ka tirsan Ciidamadan oo lagu magacaabo Farax Faytin oo  warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu shegay in ay magaalada kismaayo  u yimadeen in ay xojiyaan  Amaanka Guud  ee Magaalada Kismaayo oo wayadi danbe soo xumaanayay.

Ciidamadaan ayaa waxa ay caawa baryidoonan Garoonka Diyaaradaha ee magaalada kismaayo waxa ayna bari subax  gali donaan gudaha Magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com