Ra’iisal Wasaaraha Iyo Wafdigii Uu Hogaaminayay Oo Ka Degay Degmada Cadaado, Si Diirana Loogu Soo Dhaweeyey.*Daawo Sawirada*

0

IMG_2601Cadaado (AGGM): Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigisii uu hogaaminayay ayaa galabta gaaray magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb iyaga oo ka soo kicitimay magaalada Caabduwaaq ee isla gobolka Galgaduud.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha oo uu ka mid yahay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar, iyo xubno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka iyo Xukuumada, ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay madaxda maamulka Ximan iyo Xeeb oo uu ugu horeeyey Madaxweynaha Maamulka Mudane Maxamed Xasan Tiicey iyo dadweyne fara badan kuwaasoo sacab iyo mashxarad ku soo dhoweeyey xubnaha wafdiga.

Ra’iisal Wasaaraha oo la hadlay shacabka reer Cadaado ayaa ugu hambalyeeyey soo dhoweynta aan loo kala harin, wuxuuna ammaanay sida ay amnigooda u sugteen una horumarsadeen degaankooda oo in ka badan 20 sano aan helin taageerada Dowlad rasmi ah.

“Waxaan idiinkaga mahadcelineynaa sida diiran ee aad noo soo dhoweyseen” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo mar kale u hambalyeeyey madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb iyo goleyaashiisa sida ay maamul wanaaga ugu muujiyeen shacabka ayna u horumariyeen degaanka.

Dhanka kale, maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ka codsaday wafdiga Ra’iisal Wasaaraha in la jiheeyo maleeshiyooyin ka tanaasulay Burcad badeednimo iyo kooxaha nabad diidka, loona abuuro shaqooyin ay ka mid yihiin kalluumeysi, iyadoo oo Ra’iisal Wasaaruhuna u balan qaaday in loo abuuri doono shaqooyin lagana taakuleyn doono dhinacyada Amniga, Waxbarashada iyo horumarinta Adeega bulshada.

Ugu dambeyntiina, wafdiga ayaa ka soo dhoofay galabta casar liiqii degmada Cadaado iyaga oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. Waxaana safarkani uu qaatay muddo saddex cisho ah, isaga oo maray degmooyinka Dhuusamareeb, Caabudwaaq iyo Cadaado waxaana mudadaasi lagu dhisay maamulo degmooyin iyo degaano, iyadoo heshiis taariikhi ah ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlu sunna Waljamaaca oo ku heshiiyay in wixii haatan ka dambeeya ay Ahlu sunna si buuxda ugu biirtay Dowladda una hoos imaaneyso.

Filo Dhawaan Sawirada Haduu Alle Idmo

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com