Madaxweyne Xasan Oo La Kulmay Amiir Hamid Binu Khalifah Iyo Qadar Oo Safaarad Ka Furaneysa Soomaaliya.*Daawo*

0

qadarDoha (AGGM):Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayey ee booqoshada ku joogay dalka Qadar ayaa shalay la kulmay Amiirka dalka Qadar Amiir Hamad Binu Khalifah Al-Thani, kaas oo ay uga hadleen sidii iskaashi guud oo dhan walba ah uu u dhexmari lahaa Soomaaliya iyo Qadar.

Sida warku sheegayo Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu madaxda dalka Qadar uga warbixiyey xaaladda cusub ee Soomaaliya ay ku jirto iyo muhiimadda dib u heshiisiinta iyo midnimadda Soomaliya, wuxuuna yiri “Iskaashi heer sare ah iyo in wadajir labadda dal ay u shaqeeyaan waa mid muhiimad gaar ah inoo leh, sidoo kalena lama huraan ah”, sidoo kale madaxweynuhu war uu saxaafadda siiyey ayaa waxa uu sheegay in kulanka looga qaabkii Soomaaliya looga caawin lahaa dhinacyada dhaqaalaha iyo in deynta Soomaaliya lagu leeyahay laga bixiyo si ay fagaarayaasha caalamka ugu soonoqoto; waxna laga qabto sidii Soomaaliya ay uga mid noqon laheyd hay’adaha caalamiga maaliyadda ee adduunka.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Amiirka Qadar ayaa waxay kulankooda ku soo qaadeen xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qadar, dib u soo celinta xiriirka ay Soomaaliya la leedahay beesha caalamka, iyadoo ay dowladda Qadar balanqaaday inay safaarad ka furaneyso Soomaaliya, kulankaasi ayaa waxaa dhinaca soomaaliya kaga qaybgalay wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka maaliyadda Maxamuud Xasan Suleymaan, wasiir-u-dowlaha madaxtooyadda, Faarax Sheekh C/qaadir, safiirka Soomaaliya ee Qadar danjire Cumar Sheekh Cali Idris, taliyaha nabadsugidda, Axmed Macallin Fiqi iyo xubno kale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com