Ahlusunna Iyo Dowladda Soomaaliya Oo Heshiis Wada Gaaray.

0

caabudwaaqCaabudwaaq (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in heshiis aan qodobada uu ka koobanyahay oo dhan lashaacin gudaha magaalada Caabudwaaq ee gobalka Galguduud Ahlusunna iyo dowlada Soomaaliya.

Heshiiska ayaa dhanka dowlada Soomaaliya waxaa u saxiixay wasiirka arimha gudaha Soomaaliya dhanka Ahlusunna ayaa iyana waxaa qalinka ugu duugay gudoomiyaha cusub ee golaha Fulinta oo saxiixaani uu noqonayo kii ugu horeeyay ee intii uu ahaa madaxa ugu sareeya golaha fulinta Ahlusunna uu galo.

Qodobka ugu muhiimsan heshiiskaani ayaa lagu sheegay in Ahlusunna lasiinayo xubna muhiim ah oo ay ku yeeshaan maamulada dowlada Soomaaliya iyada oo dhawaan lagu wado in gobalka galguduud loo sameeyo maamul ay dowladu hormuud ka tahay oo lafilayo in Ahlusunna ay ku yeelato saameyn weyn.

Ahlusunna ayaa in badan waxa ay ku cel celisay in ay doonayaan in ay xubna muhiim ah ku yeeshaan dowlada Soomaaliya, iyada oo laxasuusanyahy in Ahlusunna ay qeyb ka tahay Shucuubta Soomaaliyeed ee 4.5 wax loogu qeybiyay iyada oo wixii intaasi soo dhaafaahi dad badan oo siyaasada indha indheeya ay ku sheegeen sed buuri ay koox gooni ahi ku taameyso.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com