R/wasaare Saacid Iyo Wafdiga Uu Hogaaminayay Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Caabudwaaq.*Daawo Sawirada + Dhagayso*.

0

wakCaabudwaaq (AGGM): R/wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa gaaray degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha oo ka mid ahaayeen wasiirrada arrimaha gudaha iyo gaashaandhigga ayaa waxay ku tageen degmada Caabudwaaq socodka dhinaca dhulka ah, iyagoo la hadlay dadweyne si weyn ugu soo dhaweeyay degmadaas oo ka mid ah degmooyinka ay ka taliso Ahlusunna.

“Mahad ayaan ka celinaynaa sida naloogu soo dhaweeyay Caabduwaaq, waxaa ii muuqda qoraallo badan oo ay dadku wataan, waanan ka mahad-celinaynaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo la hadlayay dadkii kusoo dhaweeyay Caabudwaaq.

Booqashada R/wasaraaha iyo wafdigiisa ay ku joogaan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya, isagoo kulammo kula yeelanaya halkaas mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca.

R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxay ku sugan yihiin goob loogu talo-galay inay ku nastaan, waxaana ammaanka wafdiga dowladda sugaya ciidamada AMISOM, iyadoo aan la ogeyn muddada ay ku sugnaan doonaan magaalada Caabudwaaq.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/Cod-raiisul-wasaaraha-oo-munaasabad-ka-jeediyay-magaalada-ceel-budwaaq.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com