Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Maagaalada Buula-burte.

0

buuloburdeBuula-Burde (AGGM): Wararka laga hellayo degmada Buula-burte ee gobollka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax xoogan laga maqlay guri ay degmada ka daganaayeen saraakiil ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhashay waxlaha qarxa oo sida la sheegay gudaha guriga ay ku farsameynayeen maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab, waxaana la leeyahay waxaa ku geeriyooday in ka badan 10 ruux oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Dadka ku dhaqan degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya shalay galinkii danbe siweyn looga wada maqlay degmada Qaraxa ka dhacay gudaha guriga ku yaala degmada Buula-burte ee gobollka Hiiraan.

Wararku waxaa ay intaa ku darrayaan in maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab markiiba u gurmadeen guriga uu qaraxa ka dhacay, kuwaasoo uu diiday dadka degmada in ay ka soo ag-dhawaadaan halka uu qaraxa ka dhacay.

Al-Shabaab waxay dagaal kula jirtaa ciidanka dowladda Soomaaliya, kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo maleeshiyada Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee ku sugan qeybo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Waa qaraxii ugu horeeyay oo khasaare intaa la eg ka geystay degmada Buula-burte ee gobollka Hiiraan, gaar ahaanna ka dhacay gudaha guri ay dagaanaayeen horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com