R/wasaare Saacid Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Goor Dhow Gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

0

mar1Dhuusamareeb (AGGM): Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon  iyo wasiirka gaashaandhigga dowladda Soomaaliya Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Ra’isal wasaaraha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay madaxda maamulka degmada Dhuusamareeb ee Ahlusunna Waljamaaca, saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida iyo dadweyne fara badan, waxaana lagu wadaa inuu halkaas kulamo kula qaato madaxda gobolka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada.

Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Dhuusamareeb oo shalay ay gaareen ciidamadda Jabuuti ee AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo ka ambabaxay magaalada B/weyne, ciidamadaas oo uu hoggaaminayo Taliyaha ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan Kornayl Cismaan Dubbad.

Socdaalka Ra’isul wasaaraha ee gobolka Galgaduud oo ah markii ugu horreysay ayaa waxa uu imaanaya kaddib markii gobolka ay socdaal ku mareen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya  kuwaasoo u gogol xaarayay wafdiga madaxda sare ee dowladda Soomaaliya ee maanta gaaray halkaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com