Qurbajoogto Hawiye (Hawiye Diaspora Forum) Oo Baaq Digniin Culus Kasoo Saarey Xaalada Dalka Soomaaliya.

0

hawLondon, United Kingdom(UK): Shir ay qurbajoogta Hawiye ku yeesheen qadka Skypeka habeenkii sabtida ee taariikhda bisha maarso ay aheed labada ee sanadka 2013 ayay ka soo saareen baaq digniin oo aad u culus xaalada uu maraayo dalka Soomaaliya. Dood dheer iyo fikrado is dhaafsasho laga sameeyey xaalada dalka Soomaaliya iyo warbixinta ururka Wikileaks uu helay waqtiyaddii ugu danbeeyey ee siyaasadaha wadamadda adduunka ee ku aadan Soomaaliya waxaa uu soo jeedinayaa urur weynaha qurbajoogta Hawiye ee Hawiye Diaspora Forum baaqan ka kooban tobanka qodob:-

1- Waxaan marka hore tacsi u direynaa dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyoodey qaraxyaddii iyo dilalkii foosha xumaa iyo dagaaladdii ugu danbeeyey ee ka dhacay magaalooyinka Muqdisho,Baydhabo, Beledweyne, Garissa, Mandera, Dhadhaab, Kismaayo, Gaalkacyo iyo Garoowe.

2- Waxaan cambaareyneynaa ficil walba oo gacan ka hadal ah oo lagu raadinaayo awood siyaasadeed waxaanan aamin sanahay awoodda siyaasada waxaa lagu gaari karaa santuuqa doorashadda oo kaliya cid walba oo u martaa wado kalena waa mid qaldan oo rabta inay Soomaaliya ku celiso dagaaladdii Sokeeye. Waxaan sidoo kale cambaareynayanaa fikirka ah haddii anagga oo reer hebel ah aan helin labadda awoodood ee ugu sareysa dalka waan qaseynaa natiijo walba oo soo baxdo, waxaan leenahay qabiiladda Soomaalida kalama fiicno kalamana fadli badno marka haddii maanta ay niman meesha joogaan berina niman kale ayaa imaan doono ee qabiiladda aaminsan haddaan anaga heynin jagooyinka ugu sareeya dalka waxaan qaseynaa dowladnimadda Soomaaliyeed walaalayaaloow joojiya colaada iyo dhibka aad wadaan ogaadana shalay Soomaali oo wada jirta ayaad kala geyseen oo colaad iyo qori kursi lagu raadiyo barteen marka maanta iftiinkaan iyo rajadaan cusub ha baabi’inina.

3- Waxaan ku baaqeynaa in si degdeg ah dalka Soomaaliya looga saaro ciiidamadda shisheeye gaar ahaan ciidamada Kenya iyo Itoobiya maadaama uu jiro shaki weyn oo ka dhexeeya dowladahaas iyo umadda soomaaliyeed isla markaana oo muran dhuleed iyo mid siyaasadeed oo aan wali la xalin uu ka dhexeeyey 100kii sano ee ugu danbeeyey.

4- Waxaan si xoogan uga soo horjeednaa shirka ka furmey magaalada Kismaayo waxaanan u aragnaa shir lagu soo nooleynaayo dagaalkii sokeeye 1991kii waxaan ka digeynaa in dagaal sokeeye oo cusub eysan jirin cid soomaali oo ku faa’iido doonto hadaan la joojin buunka colaadeed ee la afuufaayo.Micnaha federaalka ma ah in nin ku dhashay oo ka yimid Garoowe, Garisa iyo Jigjiga uu xukumo magaalada Kismaayo midka ku dhashay Kismaayo, Buulo Gaduud, Goobweyn, Huusingoow, Jilib, Jamaame iyo Baardheere, Afmadow, Buurdhuubo, Garbahaare, Baydhabo iyo Luuqna uu marti ka noqdo waxaan ka digeynaa in dulmiga la joojiyo iyo colaada iyo dagaal ooganimdda dib loo soo celinaayo. Bal waxaan Soomaaliweyn weydiineynaa xagee ku dhasheen dadka Kismaayo leh maamul aan u sameyneynaa waa Darwiish, Axmed Madoobe iyo Maxamed Abshir Walde ma reer Kismaayoodaa. Haddii ragaas iyo kuwa la midka aan la jooojin waxaa imaaneyso in Barre Hiiraale, Axmed Cumar Jees , Yuusuf Indha Cade, Goobaale, Cismaan Caato iyo kuwa la midka ahna ay qoryahooda soo qaataan ileen sheekaddu waa ninkii xoog leh ayaa la dhagaysanayaa marka SOOMAALIYA yaan colaad cusub loo horseedin.

5- Waxaan taageersanahay dastuurka federaalka ee KMG ah laakiin waxaan u aragnaa in sixitaanakiisa iyo waafajintiisa shareecadda islaamka loo daayo golaha shacabka qaranka iyo culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo qaska iyo jahawareerka laga daayo waqtina la siiyo dowladda iyo golaha baarlamaanka oo aan idaacadaha laga faafin warar been ah si loo jahawareeriyo ummadda Soomaaliyeed oo awalba jahawareer bulsho iyo mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed ku jirtey 20kii sano ee u danbeeyey.

6- Waxaan ka digeynaa in colaadaha iyo abaabulka colaadeed ee ka socda magaalooyinka Kismaayo, Nayroobi, Garoowe , Boosaaso, iyo Gaalkacyo hadaan la joojin la eedi doono Soomaalina waa is taqaanaa markey noqoto dagaal marka raga ilmaha iyo maxasta ka carari doonoow joojiya colaadda iyo hurinta dagaalka Sokeeye., dagaalka sokeeye waa qaraar yahay waxaana si toos ah uga codsaneynaa isimadda, beeldajiyayaasha, salaadiinta inay soo fara galiyaan colaada la hurinaayo oo ilmaha dabka ku ciyaaraayo ay ka qaadaan inta aan Soomaaliya la gubin mar kale.

7- Waxaan u aragnaa in ay nasiib daro tahay in beelaha qaar Soomaalida aysan darsi iyo cashar ka baranin dagaalkii Sokeeye ee dhexmaray dadka Soomaaliyeed ay maanta oo ah 2013 ay bilaabaan colaad sokeeye hurin iyo iska hor keenid beelo soomaaliyeed iyadoo wali aan la qarsaneynin oo lala imaanaayo fadhi ku dirirada anaga ayaa reer hebel ku shaqeysanayno oo adeegsanayna si aan awood siyaasadeed u gaarno.

8- Waxaan kasoo horjeednaa nidaam federaali ah ku saleysan qabyaalad waayo ma horseedi karo horumar iyo is dhexgal bulsho oo ah waxa ay u baahan tahay soomaaliyadda cusub casriga ah, waan ognahay nidaam xisbiyo oo qabiil ku dhisan iyo nidaam ururo hubeysan waxa ay Soomaaliya dhaxalsiiyeen sidaas darted waxaan ku leenahay dowladda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba HAA nidaam federaali ah oo ku dhisan walaaltinimo iyo is dhexgal iyo nin walba magaaladdii laga doorto oo dadka dagan ay ku qanacsan yihiin ha xukumo waxaan leenahay MAYA nidaam federaali ah oo ku dhisan qabyaaalad iyo kala qoqobid dadka Soomaaliyeed waayo Soomaaliya waa isku af isku diin isku dhaqan marka nidaam qabyaalad yaanan lagu kala faquuqin isla markaana waxaan ummadda Soomaaliyeed xasuusinaynaa in dowlad casri ah iyo nidaam qabyaaladeed aysan is qaadan Karin.

9- Waxaan ku baaqeynaa in si degdeg ah hubka looga dhigo ururada hubeysan ee dalka ka jira sida Ahlu sunnah Waljameeca iyo ururka Raaskaanbooni isla markaana ciidamadooda loo sameeyo dhaqan celin laguna daro ciidammada dowladda waayo dowlad casri ah iyo ururo hubeysan meel ma wadda gali karaan marka hadii kale ma jiri karto dowlad awood leh oo nidaam iyo kala danbeyn soo celin karta, nidaamka dowladda ayaa xaq u leh inay ilaaliso sharciga iyo kala danbeynta, urur walba oo hubeysan oo ka jira dalka Soomaaliyana waa sharci daro sidaa darted waa in si degdeg ah loo baabi’iyaa haddii kale waxaa sameysi doono urur badan oo kale oo hubeysan mar dhow.

10- Ugu danbeyn waxaa dowladda Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ilaaliyaan sharciga iyo awood qeybsiga madaxda dowladda oo uu nina fara galinin howsha ninka kale waana in qof walba uu raacaa awoodda dastuurka uu siiyey si looga fogaado khilaaf iyo habacsanaan iyo in awoodda ay gasho hal qof oo kaliya gacantiisa. Waxaana u hambalyeynaynaa xukuumadda ra’iisul wasaare Saacid oo qabatay howlo horumarineed oo fiican intii yareed oo ay jirtey waxaana rajeynaynaa inay dardar galiyaan shaqadooda waxaanan leenahay Hadal Yar iyo Howl Badan ayaa lagu horumarayaa.

Soomaaliya ha guuleysto cadowgeedana ha jabo.

Ururka qurba joogta Hawiye(Hawiye Diaspora Forum)

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com