War Deg Deg Ah: R/wasaare Saacid Iyo Wafdiga Uu Hogaaminayay Oo Lagu Wado Inay Soo Gaaraan Magaalada Caabudwaaq Ee Gobolka Galguduud.

0

breaking_news-620x3301Caabudwaaq (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaaraha JF Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdiga balaaran ee uu hogaaminayay ayaa waxaa lagu wadaa inay magaalada Caabduwaaq ee gobolka Galguduud soo gaaraan.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in ay qaar kamid ah wafdiga uu hogaaminayay R/wasaare Saacid ay hadda soo gaareen magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud.

Isku soo wada duub oo shabakada Allgalgaduud Media oo xiriir la sameeysay mas’uuliyiin ku sugan magaalada Caabudwaaq ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in R/wasaaraha uu imaan doono magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud.

Waxii Kasoo kordha Warkan Kala Soco All;galgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com