War Deg Deg Ah: Gudoomiyaha Ururka Samaandoon Ee Dhalinyarada Beesha Sade Oo Lagu Xiray Magaalada Kismaayo.

0

breaking_news-620x3301Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in  la xiray gudoomiyihi ururka dhalinyarda beesha Sade Samaandoon mudane Farxaan Macalin Muxumad.

Gudoomiye Farxaan ayaa xarigiisan waxaa ka dambeeyay maleeshiyaadka maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo.

Illaa hadda lama yaqaan sababaha dhaliyay xariga gudoomiyaha ururka dhalinyarada beesha Sade ee Samaandoon mudane Farxaan Macalin Muxumad,mana ay jiraan wax war ah oo ka soo baxaya dhanka maamulka KMG ah ee gacan ku rimiska ah iyo maleeshiyaadkooda.

Xariga gudoomiyaha ayaa waxaa ka horeeyay xarig kale oo kaa lamid ah oo loo geeystay mid kamid ah dhalinyarada beesha Sade ee ku sugan magaalada Kismaayo, waloow wararku ay sheegayaan in maanta ama beri subax laga sii deeyn doono xabsiga u gaarka ah maleeshiyaadka maamulka kmg ah ee magaalada Kismaayo.

Waxaa magaalada Kismaayo ku yaala xabsi u gaar ah maleeshiyada maamulka KMG ah oo ay dadka ku xirtaan xabsigaas oo ay si toos ah u maamulaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Dhawan ayay ahayd marki dagaal culus uu ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo kadib marki nin kasoo jeeda beesha Sade  lagu xiray saldhiga booliska magaalada Kismaayo, arrintaasoo dhalisay in ciidamada dowladda ay gabi ahaan la wareegaan saldhiga booliska magaalada Kismaayo ayna ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray maleeshiyo beeleedka raaskambooni iyo ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in shalay dhacdo la yaab leh ay ka dhacday gudaha magaalada Kismaayo kadib marki gabar kamid ah dadka deegaanka ay si xoog ah bartamaha magaalada laba qori kaga furatay laba kamid ah maleeshiyada Raaskambooni iyaga oo ku sugan bartamaha magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duub oo waxaa la garan karin dhacdadan dhibka ka dhalan kara, maadaama ay soo noq noqatay xarigan  loo geesanayo dadka waxgaradka ah ee ka soo jeeda Beesha Sade, iyada oo lagu wado maalinta khamiista soo socta in horjoogaha maleeshiyada Raaskambooni iyo ku xigeenadiisa ay u kicitimaan dhanka magaalada Muqdisho oo uu ku sugayo R/wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.

Waxii kasoo kordha wararka magaalda Kismaayo kala soco shabakada Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com