Gudoomiyaha Ururka Taakulaynta Ciidamada Qaranka Oo Soo Dhaweeysay Qaadista Cunaqabataynta Hubka.

0

baarliinUrurka Taakulaynta  Ciidamada Qaranka Soomaliyeed ayaa soodhaweeyey Qaadista Cunaqabataynta Hubka ee Soomaliya Saarnayd Mudada dheer, waxayna arintani astaan u tahay inla dhiso Ciidan Qaran oo tayo leh. Ururkan oo ayaa dadaal ugu Jira sidii loo taakulayn lahaa ciidamada Qalabka-sida Qaybahooda kala duwan,waxayna bulshada soomaliyed ugu baaqayaa
Inay waajib tahay dhismaha Ciidan tayeysan  oo dalkeenu yeesho.

Qaadista Cunaqabataynta Hubka waxay kadhigan tahay in dawladda Soomaliya ay Hub & Saanad meleteri ay soo iibsankarto
Ayna u fasaxan yihiin dawladaha Gacanta siinayaahi inay utaakuleeyan Qalab Ciidan, waxaana arinta cunaqabataynta soo Dhawaynaya siyaasiyiin waaweyn waxayna kutilmaameen Guul usoohoyatay shacbiga Soomaliyeed.

Ururka Taakulaynta Ciidamada Qalabka-sida wuxuu ugu baaqayaa Madaxda Dawladda Federaalka ah inay si habsami leh u
Qalabeeyaan Ciidamada qaybahooda kala duwan si ay meesha uga baxdo taya-xumada xiligan ay ciidamdu kusugan yihiin.
Sidoo kale waxay kubaaqayaan in Askariga lagadhigo shaqsi karti uleh difaaca iyo ilaalinta sharafka ummadda Soomaliya.
Waana muhiim in hubka dalka soogelaya laga ilaaliyo kooxaha Alqaacida & Alshabaab oo iyagu ah kuwo aan dalka rabin.

Ugu danbayntiina wuxuu ururkani ugu baaqayaa qaybaha diidan qaadista cunaqabataynta inay katanasulaan fikirkaaas ayna
Dalkooda dhismihiisa dib-ubilaaban, ayna u fahmaan arintaan mid Qaran, oo aan koox gaar ahi wadan.

Marwo Baarliin Mahamud Adaawe
Gudoomiyaha Ururka Taakulaynta Ciidamada Qaranka

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com