Wasiirka Gaashaandhiga Fiqi " Maalmaha Soo Socda Gacanta Dowaladda Ayay Galeysaa Magaalada Diinsoor Ee Gobolka Bay.

0

FIQIMuqdisho (AGGM):Isagoo maanta la hadlay wasiirka wasaarada gaashaandhiga Dawlada federaalka soomaaliya C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi  idaacada ku hadasha codka Dawlada soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in guul la taaban karo ay ahayd la wareegidii ay la wareegeen ciidmda Dawlada oo garab ka helaya kuwa AMISOM degmada Buur hakaba ee gobolka Bay.

Wasiirka Difaaca xukuumada federaalka soomaaliya ayaa tilmaamay in Shababka ka dagaalama gudaha soomaaliya ay saldhig wayn u lahaayeen magaalada Buur hakaba halkaana ay kasoo abaabuli jireen falal argagixisanimo sida uu hadalka u dhigay Fiqi .

Sidoo kale Fiqi ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in goor dhaw gacanta ku dhigi doonan magaalada Diinsoor ee gobolka Bay.

Dhinaca kale wasiirka gaashaandhiga xukuumada ayaa ka warbixiyay jidgooyooyin yaalay Muqdisho iyo Afgooye isagoona balan qaaday in talaabo adag laga qaadi doono cidkasta oo ku dhaqaaqo falkaasi .

Horay ayaa shacabka ku safra wadada isku xirta muqdisho iyo Marko waxay ay cabasho soo noqnoqotay ka muujiyeen  rag ay ku sheegeen inay ku labisan yihiin  direeska ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed,iyadoona dhawaan  maamulka degmada Afgooye uu toos ah u cadeeyay inay jiraan rag shacab ku safra jidkaasi ku baarta  direeska Dawlada arintaasina aysan awoodin inay wax ka qabtaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com