Magaalada Kismaayo Oo Wax Shir Ah Maanta Ka Socon iyo Horjoogeyaasha KMG Ah Ee Magaalada Oo Dhawaan Ku Wajahan Magaalada Muqdisho.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka maanta naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in horjoogeyaasha maamulka KMG ah ee magaaalda Kismaayo ay iska xaadirinayaan magaalada Muqdisho maalmo gudahood.

Xog ogaal  lagu kalsoon yahay oo ku sugan gudaha magaalada Kismaayo kana gaabsaday magaciisa xaalada amaankiisa awgeed, ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay in horjoogeyaasha maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo ay maalmaha soo socda aadayaan magaalada Muqdisho.

Horjoogeyaasha ayaa waxaan la sii faah faahin ujeedka socdaalkooda ee magaalada Muqdiho.

Warka ayaa intaasi waxa uu ku darayaa maanta inaysan jirin bataatanba wax shir ah oo ka socda gudaha magaalada Kismaayo oo uu shirki shalayna macnihiisu uu iska ahaa  shimbir yahow heesa.

Isku soo wada duub oo waxaa dadka dhamaanti ay aad ulla yaaban yihiin maleeshiyo leh maamul ayaan u dhisaynaa gobolada Jubbooyinka iyo Gedo iyada oo sida la wada ogsoon yahay dalka ay ka jirto dowladd awood ciidan iyo mid siyaasadeedba u leh inay maamul ugu sameeyso gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud media
allgalgaduud@gmail.com