Dekadda Magaalada Kismaayo Oo Ay Soo Foodsaartay Dhaqaale Xumo.

0

maareeyaha dekeda kismaayoKismaayo (AGGM):Maareeyaha dekadda Kismaayo Isxaaq Maxamed ayaa sheegay in joojinta dhuxusha ay saamayn wayn ku yeelatay taasi oo ah hoos u dhac dhaqaalo ku yimid  shacabka ku dhaqan magaalo xeebeedka Kismaayo.

Isxaaq Maxamed Maareeyaha dekada Kismaayo ayaa tilmaamay in haatan dekada Kismaayo dhaq dhaq dhaqaaqeedo uu hoos u dhacay iyadoona ilaa markii  dhoofinta dhuxusha laga mamnuucay dekada Kismaayo.

Sidoo kale  maareeyaha dekada Kismaayo ayaa sheegay in hada ay dekada Kismaayo ku soo xirtaan doon yar yar kuwaas oo markii ay wax keenaana iska laabta iyagoon aan waxba wadin,halka markii hore ay ka qaadi jireen  dhuxul iyo sidookale  rar kale oo ay kamid tahay  Sisinta.

Shaqa yarida ka jirta dekadda Kismaayo ayaa waxaa sabab waxaa looga dhigayaa  dhoofinta dhuxusha oo Dawlada federaalka soomaaliya ay amartay in la joojiyo,iyadoona taasi sabab looga dhigay in dhaqaalaha ka soo baxa dekada ay gacanta u galaan kooxda Alshabab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com