Ururka "SAHAL", Waa Kuma? Maqaal Xambaarsan Xog Kaa Qarsoon.

0

coollogo_com-11706451Mar aan fogeyn waxaan warlaliska Allgalgaduud Media ka akhriyay war saxaafadeed la yiri waxaa soo diyaariyay Ururka isku magacaabay SAHAL. Warsaxaafadeedkaas oo ay ugu hanjabayaan Madaxweynaha Dalkeena iyo Dawlada Soomaaliyeed. Hanjabaadooda iyo ku halqabsiga dad iyo deegaano uusan matalin aanan aqoona SAHAL iyo cida wadata ayaa waxaa ka mid ahaa sida tan.

“8. Ugu danbayntii waxaan ka digaynaa in haddii madaxwayne Xasan Shiikh, iyo kooxdiisu aysan faraha kala bixin arimaha maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka, waxaan horseedi doonaa kacdoon ay beelaha degan gobolada Jubbooyinka, Puntland iyo Galgaduud ay kalsoonida kala noqdaan dawlada Fadaraalka ah taasoo loo aqoosan doono inay ku xadgudubtay dastuurkii fadaraaliga ahaa ee lagu soo doortay.”

Su’aalaha muhiimka ah ee in laga jawaabo mudan ayaa ah marka, waa ayo Ururkaan SAHAL oo sheeganaya awooda uusan laheyn iyo deegaanada uusan matalin, una hanjabaya Madaxweynaha iyo Dawlidiisa ay tamartooda, tayadooda iyo taageeradooduba caalamka saaqday? Yaa xubin ka ah Ururkaan nasiibka daran? Muxuu yahay hadafkiisu? Goormaase la aasaasay? Su’aalahaan jawaabohoodu waa kuwa aan rabo in aan halkaan kusoo koobo.

Xubnahaha Ku Midaysan Sahal

Ururkaan sahal wuxuu ka koobanyahay rag iyo dumar soomaaliyeed oo ku kala sugan dalalka; Yurub, Waqooyiga-Ameerika, Kenya, Itoobiya, iyo Soomaaliya. Waa inta aynu hada ka war hayno waxaana macquul ah in ay jiraan meelo kale oo ay joogaan.

Ururkaan waxaa la aasaasay markiisii ugu horreysay taariikhdu markay aheyd Oktoobar 11, 2013, waxayna aheyd sababta keentay in la unko caro ka dhalatay khilaaf soo kala dhexgalay masuuliyiinta kala ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasa Shiikh Maxamuud iyo Hogaamiyaha ismaamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Faroole.

Muwaadiniin kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari aadna u taageera siyaasada Duq Faroole ayaa waxay Oktoobar, 7 2012 xiriir lasoo sameeyeen nin lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Daahir oo ku sugan London, England. Cabdirashiid iyo shaqsiyaad kale oo ku sugan magaalada London ayaa markaas xil iska saaray sidii ay u hirgalin lahaayeen qorshe ballaaran oo lagu xaqiijinayo hanjabaad siyaasadeedkii uu Duq Faroole usoo jeediyey Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Sh. Maxamuud. Ma hayno xog intaa dhaafsiisan oo ku saabsan hanjabaadu waxa ay aheyd iyo kalmadaha uu Faroole adeegsaday inkasta oo ay ficillada Ururka SAHAL muujinayaan, sawir fiicana ka bixinayaan guud ahaan waxa uu ahaa khilaafku iyo caradii xad-dhaafka aheyd ee ku kaliftay Duq Faroole in uu hanjabo.

Dadaalkii ay galeen Cabdirashiid iyo xulufadii uu la kulmay waxay sababtay in ay si Official ah ugu dhawaaqaan Ururka SAHAL oo saldhigiisa maldahan uu yahay London halka uu kiisa rasmigaana yahay Garoowe.

Lagasoo bilaabo kulankii Cabdirashiid iyo ragii kale ee qorshaha ku weheliyay ilaa maantay waxaa u suurto gashay inay isku keenaan dad aanaan tiradooda rasmiga ah haynin laakiin ay kamidyihiin shaqsiyaadka aan hoos ku tixi doono. In kastoo ay ururka kamidyihiin ayna kala joogaan caalamka, hadana xubnohoo dhan isku hadaf iyo mabda’ maahan laakiin shaqsi kastaahi dan gaar ah buu ugu jiraa ururka sida aan gadaal ku qeexi doonno.

Xubnaha Katirsan Ururka “SAHAL” (ee aan ilaayo hada magacyadooda hayno)

1, Cabdirashiid Daahir Maxamed. Waa shaqsiga si maldahan u matalaya Gudoomiyaha ururka SAHAL.(Dhagaxbuur)

2, Cabdullahi Cabdisalaan Ashkir (Garoon). Gudoomiye ku xigeenka jagada maldaha ee SAHAL. Xubintaan  Waa hawlkar haseyeeshee go’aamada ururka waxba kuma lahan. (Burgeesoole)

3, Cabdirashiid Maxamed Daahir. Sildilada isu haysa Puntland iyo Ururka SAHAL ahna Aas’aasaha Ururka SAHAL. (Garoowe)

lasoco; Xubnaha SAHAL badidoodu ma oga xiriirka u dhexeeya ururka SAHAL iyo ururka HORSEED ee uu gudoomiyaha ka yahay Duq Faroole.

4, Cabdibarre Yuusuf Jabriil. Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya xubinna ka ah ururka SAHAL. (Bacaadweyn)

5, Professor Maxamuud Siyaad Togane. Xubin kamid ah ururka SAHAL. (Shalay: Kaaraan, Muqdisho, Maanta: Garoowe)

6, Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer). Gudoomiye ku xigeenka maamulka ku meelgaarkaa ee Kismaayo ahna xubin katirsan SAHAL. (Kismaayo)

7, Cabdinaasir Seeraar. Afhayeenka ururka Raaskanbooni, xubinna ka ah SAHAL. (Bu’aale)

8, Hebelkaa Godo-Godo. Maamulaha webka Shacabkamedia xubina ka ah SAHAL. (Bacaadweyn)

9, Cabdiraxmaan Maxamed Cali. Xildhibaan hore xubina ka ah SAHAL. Ninkaan waa acter/jilaa weyn aadna ugu takhasusay fidna abuurka. Gadaal baan ka qeexi doonaa waxa ay ka dheheen dadkii daraaseeyay oo uu kamid yahay nin lagu magacaabo, Cabdi Cabdullahi Cismaan. Cabdiraxmaan waa reer (Beledweyne)

10, Cabdiwahaab Xaaji Xuseen. Walaalka Raysal Wasaarihii hore, Cabdirisaaq. Cabdiwahaab wuxuu xubin aad u culus ka yahay ururka SAHAl. (Xaafuun)

11, Cabdirashiid Maxamed Xidig. Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka Somaliya ahna xubin ka tirsan ururka SAHAL. (Gaarisa)

12, Xasan Cabdullahi Cumar. Maamulaha OgaalRadio xubina ka ah SAHAL. (Shilaabo)

URURKA AHDAAFTIISA IYO AFCAASHIISA.

Sidaan horayba u soo tilmaanay, Ururku waa urur laba wajiilaa oo aysan islaheyn muuqiisa iyo midabkiisa dhabta ah. Tusaale ahaan, wuxuu ku shaqeynayaa una adeegayaa hal siyaasad iyo hal qabiil isla mar ahaantaasna waxaa loo muujiyay mid ay sameysteen beelweynta degta degaanada Galgaduud, Bari, Sanaag, Galbeedka Mudug, Gedo, Jubada Dhexe, Sool, Gaarisa iyo Jigjiga.

Sidoo kale, Inkastoo loo muujinayo inay xaruntiisu tahay Ingiriiska laguna aas’aasay, hadana dhabtu waa in ay xaruntiisa rasmiga ah tahay Garoowe.

Waxay xubnaha SAHAL sidoo kale aad isugu jirabaan udoodida dhismaha Jubaland, laakiin xaqiiqda rasmiga ah ayaa ah in aysan dantooda iyo hadafkooda kama dambeystaahi midaas aheyn. Hadii uu Eebe idmo mawduucaan si gaar ah oga hadlaya baan qormooyinkeyga danbe ku soo bandhigi doona cadeymaha muujinaya in HADAFKA kama dambeystaa ee ururka SAHAL uusan aheyn dhimaha Jubaland.

Hadii aan markaan dhinaca afcaashooda    eegno, SAHAL wuxuu soo bandhigaa waxkasta oo iska horkeeni kara Dawlada iyo Shacabka. Wuxuu sawirro khaldan ka bixiyaa Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha isagoo aanan ku gaboodfaleyn inuu adeegsado Shacabka qaarka habfikirkoodu dabacsanyahay, aaladaha maqalka iyo muuqaalka, been abuurka,  jilida iyo matalaada, ku mashquulida ficillo dhalinaya ama bulshada u jiidaya hadafkooda ay higsanayaan oo aan anigu kusoo koobay, “Fashilinta Dawlada Iyadoon Wax kale loo aaba yeeleyn dariiq kastana loo marayo”

AFCAASHA AY HIRGALIYEEN ILAA iyo HADA.

Afcaasha ay hirgaliyeen ee uu ururka SAHAL ku higsanayo Fashilinta Dawlada Xasan Sh. Maxamuud waxaa kamid ah kuwan;

1, Kala geynta qabaaillada Soomaaliyeed.

• Dood muuqaal ah oo looga dan lahaa in qabaaillada Soomaaliyeed ee walaalahaa la isku diro oo dhex martay laba nin oo SAHAL ka wada titsan; Cabdiraxmaan Maxamed Cali iyo Cabdirashiid Daahir Axmed. Doodaann dhexdeeda Bulshada waxaa lagu barayaa waxa uu magaca SAHAL u taaganyahay. Waxaa kaloo la adeegsanayaa kalmado qabaailada lagu kicinayo sida; Wiilashii indhaha gudguduudnaa baan idiin soo diraynaa, iyo Utaangaa la isku arkayaa. Waxay u jilayaan sidii sheydaankii.

• Flim ay duubeen oo ay ugu magac dareen, “Xusuusta Xasuuqii 1991”  Dadka ugu badan ee xafladaan abaabulay waa isla dadkii xasuuqa ka qeybqaatay.

• Mudaharaadkii ka dhacay Mineapolis, Mn ee looga soo horjeeday Madaxweyne Xasan iyadoo la adeegsanayo magaca beelweynta ku dhaqan Jubaland, Mudug, Sool ,Bari iyo Galgaduud.

• Mudaharaadkii ka dhacay London ee lamidka ahaa kii Mineapolis oo Md Xasan loogasoo horjeeday.

• Xaflado hir ah oo lagu kala qabtay Yurub iyo Waqooyiga Ameerika iyadoo lagusoo darayo wixii dumar ah iyo wixii daacad ahoo idil, laguna muujmuujinayo waxa la isleeyahay gobolada iyo garaadadu waa ku kala caroon karaan. Xaflad kamid ah oo Seatle lagu qabtay waxaa la adeegsanayaa gabar ka tirsan SAHAL si ay oga jawaabto Hadalladii jilaaga Cabdiraxmaan Maxamed Cali, Xildhibaankii hore ee hanjasbada beentaa ahaa. Taas kaliya maahan xaflado badan bay dumarka ka tirsan SAHAL kusoo celcelinayaan jawaabaha ceynkaan ah si reer tolka loo kiciyo loona abuuro jawi ah Anaga iyo Ayaga.

• Xaflad ay Kismaayo kusoo qabanqaabiyeen Yaasiin Raadeer iyo Cabdinaasir Seeraar oo haween kaliya ahaa Yaasiin Raadeerna u muujinayo bulshada in reer tolka weerar lagu yahay.

• Xaflad Garoowe ka dhacday oo la adeegsanayo Muwaadin Soomaaliyeed oo guri looga haysto Xamar. Waa ururka SAHAL waxa xafladaas soo abaabuulay una muujinaya arrinta inay Dadka Muqdisho oo dhan Ku haliilayaan haysashada maal xaaraan ah si looga aamin boxo kadibna ay ku gaaraan hadafkooda kala geynta.

Ilaa iyo intuu abuurmay ururka SAHAL waxay dunida ku faafiyeen ilaa 107 video oo kuli la isaga horkeenayo dawlada iyo dadkeeda, qabaaillada walaalahaa iyo siyaasiyiinta.

HADALO BEEN ABUUR iyo BOROBAGAANDO AH.

• “Madaxweynuhu Beledweyne  markuu tagayna wuxuu ku yiri Maamulkiina waad dhisan kartaan, Jubalandna wuxuu yiri dawladaa u dhisaysa” Waa beenabuur ay sameeyeen ururka SAHAL sida uu Madxweynuhuba cadeeyay.

• “Madaxweynahanu dalka inuu 1991 ku celiyuu rabaa”

• “Madaxweynuhu waa qabyaaladeyste”

• “Dawladu Federalkay kahor timid, Dastuurkey dhinac mareen”

• “Madaxweynuhu shaqadii Raysal Wasaaruhuu faraha kula jiraa”

• “Muqdisho ma qabiil kaliyaa iska leh?”

• “Baarlmaankii waa la afduubay”

• “Raysal Wasaaruhu Dibadaha ma aado, Ajnabiga lama shiro Xasan baa wixii oo dhan qaatay,” cajiib cajiib!

• “Madaxweynuhu dhuxusha Kismaayuu shaqo ka dhigtay, Cabdiqaasim buu la taliye ka dhigtay, Dam Jadiid baa wadanka haysata” Amakaag!

• Ku mashquulida wax kasheega Odayaasha beelaha dega Muqdisho iyo gobollada dhexe si looga hadliyo kadibna hadaladooda tusaale foolxun loo soo qaato.  Buunbuuninta halmar oo uu Odey Xaad la yiraahdo ku dhacay dabin qabyaaladeed iyo daboolida dib kasixidii hadaladaas.”

• Dalabka joogtada ah oo ku aadan in guryihii Xamar la isku celiyo iyadoon ujeedada rasmiga ah aheyn wax wanaajin.

Hadaladaan iyo kumannaan kale oo ujeedkoodu yahay in lagu kala dhambalo labada qabiil ee ugu waaweyn qabaaillada soomaaliya si qalalaase oga dhex abuurmo kadibna u fashilanto Dawlada Soomaaliyeed ee ay hogaaminayaan Madaxweyne Xasan iyo Raysalwasaare Saacid waa Been-abuur iyo Borobagaando ay sameysteen khaasna u leeyihiin ururka SAHAL. Waxaa la hindisay isticmaalkooduna bilowday Oktoobar 6, 2012. Hadii aad rabtid in aad hadaladaan ka bogatid  kaliya dhageyso xubnaha SAHAL iyo raaciyadooda oo fiirso Videoskooda.

Websiteyada

Kaambeynkoodu waxay adeegsadaan website kasta oo ay fursad ku helaan si ay ugu faafiyaan waxa ay wataan.

Websiteka “Shacabkamedia” oo ay SAHAL si khaas ah u adeegsadaan ayaa tusaale u ah. Maalin dhexe webkaan wuxuu tallaabay xadka saxaafada kadib markuu u gudbay inuu faragalin khaas ah ku sameeyo qoysaska Madaxweynaha, Raysal Wasaaraha, iyo Wasiirka warfaafinta Ciilmooge, kadibna waxaa eedeyay wariyayaal Professionals ah oo Radiomuqdisho iyo Allgalgaduud ka shaqeeya. Waxay muujiyeen sida aadka u hooseysa ee uu shaqsiga webka maamulaahi (Hebelkaa Godo Godo) oga dhacsanyahay xeerka iyo xirfada saxaafada. Deetana waxaa dhiigu kacay xubin ka tirsan ururka SAHAL oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka kadibna difaacay. Xildhibaanka lagu magacaabo Cabdibarre Yuusuf Jabriil xubina ka ah SAHAL wuxuu arrintaa ku dhaleeceeyay Dawlada asagoo dawlada weydiinaya inuu Radiomuqdisho yahay mid beeleed mise mid qaran. Su’aashiisu waxay ku salaysantahay qawaacida ururka SAHAL ee ah in wax waliba loo bedelo qabyaalad iyi “Anaga iyo Ayaga”.

Waxay Ururka SAHAL si khaas ah u dhaleeceeyeen iyagoo waliba ku beenabuuranaya Wasiirka warfaafinta Ciilmooge oo ay ururka SAHAL aad u daneeynayeen inuu kusoo biiro uguna hiiliyo ficilladooda khaldan ee ay xitaa isaga ku waxyeeleeyeen.

Hadii aad websiteyadooda fiiriso, waxaad arkaysaa iyagoo Wasiirka handadaya oo ku beenabuurana waxna ka sheegaya si ay u liidaan maadaama uu qaxarkooda ka doortay qaranka.

Hadaba, Intaani waa qeybyar oo kamid ah waxa ay yihiin ururka SAHAL. Insha’Allah halkaanaan ku joojinayaa qeybtan maadaama uu qoraalku naga dheeraaday.

Hadii uu Eebo idmo waxaan qeybaha dambe ku muujinayaa arrimahan;

Dadka SAHAL ay shaqo galiso waa dad noocee ah? Halkeebay Madaxweynaha Kala qaadeen qoomku marka laga soo tago Hanjabaada Duq Faroole? Halkeebay Raysal Wasaaraha kala qaadeen? Ma jirtaa in inta badan Madaxweynaha la dhibaateeyo iyadoo Raysal-Wasaaraha lagu xumeynayo? Maxay ururka SAHAL ugu haliilayaan inay Dawlada Fashiliyaan? Yaa ururka ka mid ah oo lagu guurayaa/lagu Awr-
kacsanayaa yaase ku awr-kacsanaya? Xubnaha Ururku ma wada ogyihiin waxa rasmiga ah ee ururku u dhisanyahay ama ku mashquulsanyahay? SAHAL maxaa ku kalifa had iyo goor inay gobollo iyo qabaaillo aysan matalin maxaabsadaan, kubeen-abuurtaan ama sheegtaan inay matalaan? Ururkaan Da’da yar ficillada uu sameeynayo dartood dad masaakiin ah dhibaato ma loogu geystay? Majiraan weeraro, iyo isku day dilmo oo been-abuur ah oo ay ururka SAHAL noo agaazimeen, noo jileen, kadibna noo soo wariyeen oo Muqdisho ka dhacay? Iyo Qaar Kaloo Badan.

Wabilaahi towfiiq

Fiiro Gaar ah; Magaalooyinka aan xubnaha SAHAL ku lamaaninay kama turjumayaan meelaha ay ku noolyihiin hada ama ku dhasheen. Waxaan kala jeednaa oo kaliya in aan ku muujino halkay dhalasho ahaan kasoo jeedaan. Mahadsanidiin!

W/Q Cabdinaasir C. Hangash. (Haad)
luqyare@yahoo.com
Caabudwaaq, Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com