War Deg Deg Ah:Shirki Wadatashiga Ahaa Ee Beesha Sade Uga Socday Magaalada Garbahaareey Oo Soo Gabagaboobay Iyo Go'aamo Ka Soo Baxay.

0

breaking_news-620x3301Garbahaareey (AGGM): Shirweyne maalmihi la soo dhaafay uga socday magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo Odoyaasha dhaqanka, Siyaasiyiin iyo saraakiil ka soo jeeda Beesha Sade oo looga arinsanayay maamul usameynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo soo gabgaboobay.

Shirkan ayaa waxa ay Beesha sade uga tashanayeen maamul usameeynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo waxa uuna socday mudo 4 maalmood ah, waxa ayna beesha sade isku raacday in dib loo dhigo shirka maamulka loogu sameenayo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee haatan ka socda magaalada Kismaayo ilaa laga xoreeynayo gobolada Gedo iyo Jubada Dhexe.

Shirkan ayaa waxaa khudbadahooda iyo fikiradahoodaba lagu dhageesanayay labadi maalmood ee la soo dhaafay gudiyada doonayay in laga qeeybgalo shirweynaha lagu yagleelayo maamulka Jubbaland ee ka dhacaya magaalada Kismaayo loona diro ergooyinki iyo gudiyada madaxda gobolka gedoa ee iyagana aaminsanaa in aan xalka ku jirin in lagu deg degin maamul waqtigan la yagleelo  ilaa gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose la xoreeyo, kadib dhageesigi gudiyadaas ayaa waxaa loo saaray gudi go’aan ka soo gaara si loo qaato moowqif mideeysan oo ay u dhantahay beesha Sade.

Gudigi ayaa waxa uu dib isugu yeeray Odayashi dhaqnaka, waxgaradki, siyaasiyiinti, saraakiisha iyo qaar kamid ah bulshoweynta Sade waxa ayna sheegaan in loo codeenayo go’aanka la qaadanayo, waxaa maanta codeeyay in ka badan 40 xubnood, waxayna codeeyti maanta u dhacday sidan:

25 Xubnoo MAYA

19 Xubnood HAA

Go’aamada ka soo baxay shirka ayaa waxa ay ahaayeen sidan.

1- In dhamaan la xoreeyo deegaanada gobolada Gedo Iyo Jubada Dhexe.

2- In degmooyinka xorta ah ee ay hadda maamulaan maamulada KMG ah loo sameeyo maamulo.

3- In loo qabto shirweyne dib u heshiisiin gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

4- Intaas marki lahelo in la iclaamiyo shirweyne lagu yagleelayo Maamulka Jubbaland.

Isku soo wada duub oo waxaa dhawaan si wadajir ah loo filayaa inay warsaxaafadeed u soo saaraan waxgaradki, siyasiyiinti iyo saraakiishi ka qeeybgashay shirkaas ahaa aayo ka tashiga beesha Sade.

Waxii ka soo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com