20 Sano Kadib Xoolihii Ugu Horeeyay Oo Xalay Ka Dhoofay Dekada Magaalada Muqdisho.

0

xooloMuqdisho (AGGM): Mudo 20 sano ah kadib waxaa xalay ka dhoofay degmada magaalada Muqdisho xoolaha Nool iyadoo markabkii ugu horeeyay ee xoola ka qaada Dakada Muqdisho uu ahaa mid u baqoolay dakada Cuman.

Waxaa xalay lagu qabtay gudaha dekada magaalada Muqdisho munaasabad lagu daah furyay in markii ugu horeysay mudo 20 sano ah kadib xoolo nool laga dhoofiyo dekada Muqdisho, waxaana ka qeyb-galay munaasabada wasiirro ka tirsan xukuumada Soomaaliya iyo ganacsato.

Munaasabada ka dhacday dakada ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay maareeyaha dakada Muqdisho C/laahi Cali Nuur, waxaana uu sheegay in ay tahay mid ay sugayeen caawa oo kale in dakada Muqdisho xoolo laga dhoofiyo.

Magaalada Muqdisho ayaa u muuqata mid hadda ka soo kabaneysa dagaalladii sokeeyay iyo bur burkii ay mudad dheer ku soo jirtay, waxaana jirta rajo in badan oo shacabka Soomaaliyeed ah ay ka qabaan in ay dib u soo ceshan doonto Muqdisho maqaam-kii ay lahaan jirtay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com