Ciidamada Dowladda Soomaaliya Oo Caawa La Wareegay Gacan Ku Haynta Magaalada Buurhakaba Ee Gobolka Bay.

0

breaking newsBuurhakaba (AGGM): Wararka naga soo gaaraya caawa magaalada Buurhakab ee gobolka bay ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal faraha looga gubtay uu ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee gobolka Bay.

Dagaalkan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxa uu reebay qasaaro isgu jira dhimasho iyo dhaawacba oo soo kala gaaray dhinacyadi dagaalamay.

Falaagada Al Shabaab ayaa waxa ay weerar ku soo qaaday fariisimaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ay ku lahaayeen deegaanka Daynuunaay, kadib ciidamada oo kaa shanaya ciidamada AMISOM ayaa waxa ay jiireen gabi ahaan maleeshiyaadki  falaagada Al Shabaab ee in mudo ah ka ariminayay gobolka Bay.

Dagaalkan ayaa sida la sheegayo waxaa ku dhintay ku dhawaad 20 qofood oo isugu jira dhinacyadi dagaalka uu u dhexeeyay.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa dagaalkan oo ahaa mid si aad ah loo qorsheeyay ayna ku jabeen falaagada Al Shabaab in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay gudaha u galeen magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay.

Isku soo wada duub oo Saraakiil u hadashay ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen in ay jirto dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray dagaalka askar ka tirsanaa ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com