Tababar Magaalada Muqdisho Uga Furmay Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

0

saraakiil1111Muqdisho (AGGM):Tababarkan oo socon doona mudo 15 cisho ah ayaa waxaa uu magaalada Muqdisho uga furmay  123 sarkaal oo tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Tababarka loo furay saraakiisha ayaa waxaa bixinaya hay’ad lagu magacaabo Banka-raft oo qaabilsan tabaarada ciidamada ayaa ka faa’ideysanaya mudada uu socdo, saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Furitaanka tababarkan ayaa waxaa goob joog u ahaa oo ka qeyb-galay taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo saraakiil ay ka mid ahaayeen ku-xigeenka abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Cali Caraaye Cosoble Gacam-dule, taliyaha gaaska labaad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen C/llaahi Cismaan Cagey iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM

Gen C/llaahi Cismaan Cagey oo ugu horeyn ka hadllay tababar ayaa sharxaad ka bixiyay tirada saraakiisha ka faa’iideysaneysa tabaarkaasi iyo muhiimada uu u leeyahay saraakiisha Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in 123-sarkaal ay ka faa’iideysan doonaan tababarrka.

Mid ka mid ah saraakiishii tababarka bixineysa oo lagu magacaabo Col Cabaas Faal ayaa sheegay in tabarkaani uu muhiimad u leeyahay saraakiisha ciidamada Soomaaliyeed,waxaana uu intaa ku darray in  mudada uu socdo tababarka loogu fidinayo ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ay qaadan doonaan casharo ay ka mid yihiin dib u habeynta ciidamada, qaabka ay saraakiisha u la shaqeyn karaan bBulshada ku nool goobaha ay la wareegaan iyo diyaarinta shaxda dagaalka.

Tababaran ayaa noqonaya kii labaad oo ay bixiso hay’ad caalami ah oo lagu qabto magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in saraakiisha tababarka ka faa’ideysta wax weyn ku kordhin doonaan ciidamada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com