Maamul Goboleedka Puntland Oo Warsaxaafadeed Kasoo Saartey Dagaalki Kismaayo Ka Dhacay Sabtidii.

0

PUNTLANDGaroowe (AGGM): War saxaafadeedkan kasoo baxay maamulka Puntland ayaa waxaa u qornaa sidan soo socota.

WAR SAXAAFADEED

Garowe, 24, Feb, 2013…

Dagaal maalintii shalay 23/2/2013 ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac waqti ay dadka magaalada Kismaayo ay sugayeen in shirwayne halkaas ka dhaco.

Sida laga warqabo dhawaantan ergooyin ayaa ku qulqulayey magaalada Kismaayo si ay oga qaybqaatan shirwaynaha maamul-u-samaynta Gobolada Jubooyinka.

Ugu horeyn, Dowlada Puntland waxay cambaraynaysa dagaalka Kismaayo ka dhacay waxayna ugu baqaysaa dhinacyada dagaalmaya inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaalka iskana ilaaliyan wixii hurinaya colaad. Waxaan xasuusineynaa in shacabka deegaankaas ay ka soo daaleen dagaal iyo colaad.

Waxaan ugu baaqaynaa Dowlada Fedaraalka ah inay ka shaqayso sidii gacan looga siin lahaa dadka degaankas inay dhistaan carqalad la’an maamul ku yimaada rabitaanka dadka si loo helo nabad iyo kala dambayn waarta.

Sidoo kale waxaan Beesha caalamka ugu baaqaynaa inay gacan ka gaystaan maamul-u- samaynta Gobolada Jubooyinka si shacabka uga badbaadan dagaalo hor-leh oo ka dhaca degaankas.

Dawlada Puntland waxay mar labaad ku baaqaysaa in la joojiyo colaada oo aan waxyeello moyane waxtar lahayn habayaraatee.

Ugu dambeyntii, Dawlada Putland waxay ilaahay ugu baryaynaa ummada Somaaliyed inuu solonsiyo wanaaga iyo nabadda.

—-DHAMAAD—

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com