Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Dagaalada Magaalada Kismaayo.

0

Axmed-Madoobe1Kismaayo (AGGM): Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe ayaa wuxuu markii ugu horeysay uu ka hadlay dagaaladii khasaaraha badan geystay, ee Sabtidii ruxay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni  Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa wuxuu sheegay in uu aad iyo aad uu uga xun yahay dagaaladii Sabtidii ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Horjoogaha  ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuusan isagu ka dambeen dagaaladaan, sidoo kalana wuxuu sheegay inuusan ku laheyn wax lug ah, haba yaraatee.

Axmed Madoobe ayaa wuxuu sheegay in dagaaladaan uu u sabab yahay Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Jubbooyinka General Saxardiid, oo uu ku eedeeyay in uu hawlo galo gaar u ah uu ka sameeyay Magaalada Kismaayo.

Hawl galadaan ayuu sheegay in uu ku soo qab qabtay dad shacab ah, balse uu ku sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, waana taa midda sababtay dagaaladii ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duub oo Horjooge Axmed Madoobe ayaa wuxuu sheegay in Maamulka Kmg ah ee Magaalada Kismaayo, uu diyaar uu u yahay in wax laga qabto xaalada guud ee Magaalada Kismaayo, ayna diyaar u yihiin inay ka wada shaqeeyaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com