Col. Bare Aden Shire (Bare Hiiraale) Oo Si Kulul Uga Hadlay Dagaalka Ka Dhacay Magaalada Kismaayo.

0

bare hiiraaleMuqdisho (AGGM): Wasiirki Hore ee Gaashaandhiga Col Bare Aden Shire (Bare Hiiraale) kana mid ahaa mas’uuliyiinti horey usoo maamuli jiray  magaalada Kismaayo ayaa si kulul waxa uu uga hadlay dagaalki ka dhacay magaalada Kismaayo, isagoo baaq culusna diray.

Col Bare Hiiraale ayaa ugu horeeyn sheegay inaan marnaba loo baahnayn in laga hadlo qaabka ay wax u bilaabmeen iyo wax lamid ah, laakiinse loo baahan yahay in wax walba la xaliyo hadii la doonayo nabada magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay in rag gaar ah ay doonayaan in magaalada Kismaayo ay kusoo celiyaan qabiilki horey looga gudbay laakiinse loo baahan yahay in aanw ax walba aa la’is raacin waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Anagana waan ognahay  rag kamid ah beesha Ogaadeen ayaa rabba inay soo  cusbooneeysiiyaan waxyaabo horay looga tagay laakiinse taas ma dhici doonto, kaliya waxaan u baahannahay in la xaliyo wax walba, mida kale Kismaayo horay dagaal sidan oo kale ah ayaa uga dhacay, laakiin waxaa moodaa in dhaawac la daweeyay lasoo faagayo, waxaa sidaa yiri Col Bar Hiiraale.

Sidoo kale waxa uu mas’uulkan sheegay in shacabka ku dhaqan magaaalada Kismaayo uu waajib ka saaran yahay in cid walba oo amaankooda ku xad gudbeeysa iyadoo aanay qabiil u fiirin inay la dagaalamaan, si wax walba ay nabad u ahaadaan.

Ugu dambeeyn Col Bare Hiiraale ayaa baaq culus waxa uu u diray ciidamada kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo, waxaana uu u sheegay in meesha ay nabad ilaalin ahaan u joogaan laakiinse aanay mar kale isku dayin inay garab siiyaan qaar ka mid ah dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com