Yaa Daaroodeey Haddaad Maqasho Reer Baa Dan Lahee Toloow Waa Reerkee? Qeybti 3aad.

0

MaqaalHorudhac: Waxaan marka hore u tacsiyeynayaa dadki shalay ku gerriyooday dagaalki ka dhacay magaalada Kismaayo, waxaana leeyahay qoysaski iyo qaraabadi ay ka baxeen samir iyo iimaan Allaha idinka siiyo.

Sidaanba horey u sheegay dagaalki shalay ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa waxa uu kamid yahay shirqoolada ay maleegayaan maamulka Puntland, waxaan mar labaad u bidhaaminayaa ama uga digayaa awr kacsiga sanadkan 2013 dhamaan dadka ay sida gaarka ah u quseeyso iyo dadka sida aad ah u akhrista maqaalka la magac baxay “Yaa Daaroodeey Haddaad Maqasho Reer Baa Dan Lahee Toloow Waa Reerkee?”.

Puntland marnaba ma ay doonayso in la yagleelo maamulka Jubbaland, sababtoo ah mamulka Puntland waxa ay in mudo ah ku gor gortami jireen inay yihiin maamul goboleed Daarood sadka Daaroodna ay iyaga mudan yihiin, haddaba ma idinla tahay maanta inay Puntland u tanaasuleeyso Jubbaland, iyada oo aanu og nahay inay u tanaasuli weyday Khaatumo State Of Somalia. xaqiiqdi waa in aydnaan iska indha tirin taariikhda la soo maray.

Haddaan u soo laabto balan qaadki aanu idiin sameeyay todobaadki hore ee ahaa (La Soco Todobaadka Dambe Qaybta 3aad iyo xiriir intee le’eg ayaa  u dhaxeeya Puntland, ururka SAHAL, iyo Ex Xildhibaan C/raxmaan Macalin Cali?).

Bini’adamka ilaahey abuuray isku si wax umma arkaan isku sina wax umma fahmaan oo dadka qaar si fudud ayaa loogu awr kacsan karaa si aad u sahlan  danta la leeyahay waa looga fushan karaa, halka kuwana ay yihiin kuwo dhaga adag oo durbaba fahma halka wax lagu wado iyo ujeedka laga leeyahay hoowsha markaa socota.

Xiriir intee le’eg ayaa u dhaxeeya ururka la magac baxay SAHAL iyo maamulka Puntland, jawaabtu waa ay sahlan tahay, Puntland waa SAHAL, SAHALNA waa Puntland, anoo taa ulla jeeda ururka marki la yagleelay waxaa dhaqaalaha iyo macluumaadka uu ku duulayaba soo siin jiray waa maamulka Puntland, mar walbana waxa uu ku shaqeeyaa qadiyada iyo danaha maamulka Puntland.

Haddaba yaa hogaamiya ururka Sahal?

1- C/rashiid  Daahir Axmed, waxa uu kasoo jeeda beesha Absame, waana Gudoomiyaha Ururka SAHAL.

2- C/llaahi C/salaan Ashkir (Garoon), waxa uu ka soo jeeda beesha Sade waana Gudoomiye ku xigeenka ururka SAHAL.

3- C/rashiid M. Daahir, waxa uu ka soo jeeda Beesha Majeerteen runti ahaanti shaqsiga kartidiisa iyo hufnaantiisa lama xaqiro’e waa maskaxda amaba aan iraahdo ee matoorka uu ku socdo ururka SAHAL, mar walbana waxa uu ku dadaalaa inuu hoowshiisa ka wado daaha gadaashiisa isaga oo aan ismuujineyn, halka gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenkuna ay hoowsha C/rashiid soo diyaariyo ku shaqeeyaan amaba caalamka u soo bandhigaan.

Ujeedooyinka Rasmiga Ah ee Ururka SAHAL Inuu Ku Shaqeeyo Ladoonayay balse uu barbar maray :

1- In gacan laga gaysto adkaynta midnimada, barnaamijyada horumarinta bulshada iyo dib u heshiinta dadka kasoo jeeda Puntland,Galgaduud iyo Jubbaland (Jubbada hoose, Jubbada dhexe, Bakool iyo Gedo);

2- In ururku noqdo mid u dooda xaquuqda asaasig ah, kana qaybqaata adeegyada horumarinta bulshada, caafimaad, waxbarasho, horumarin siyaasiyadeed iwm, kuwaasoo ay xaq u leeyihiin dadka ku dhaqan deegaamada SAHAL ka hawlgalo;

3- In dadka Soomaaliyeed gacan laga siiyo xalinta khilaafaadka, joojinta colaadaha, gurmad u fidinta dadka dhibaato qabsato sida abaaraha, fatahaada wabiyada iwm;

4-In SAHAL dadka ka taageero fulinta iyo ka talobixinta isku xir ganacsi (business Network) iyo badbaadinta iyo horumarinta deegaanka (environmental protection and development);

5-In laga shaqeeyo horumarinta cadaalada iyo xaquuq u sinaanta bulshooyinka ku nool deegaamada SAHAL ka hawlgalo, isla markaasna bulshada lagu baraarujiyo xaquuqda aadanaha, iyo ka hortagista wax kasta oo khalkhal gelin kara midnimada, xasiloonida iyo nabadgelyada bulshada dhexdeeda ah.

6- Ururka SAHAL wuxuu ka hawlgeli doonaa gobolada Puntland,Galgaduud iyo Jubbaland (Jubbada dhexe, Bakool iyo Gedo).

Ujeedooyinka Uu Hadda Ku Shaqeeyo Ururka SAHAL.

1- In gacan laga gaysto adkaynta iyo midnimada, barnaamijyada horumarinta bulshada iyo dib u heshiisiinta dadka kasoo jeeda Puntland, Jigjiga, Gaarisa iyo Kismaayo.

2- In ururku noqdo mid u dooda xaquuqda asaasiga ah, kana qaybqaata adeegyada horumarinta bulshada, Caafimaad, waxbarasho, horumarin siyaasadeed iwm, kuwaasoo ay xaq u leeyihiin dadka ku dhaqan deegaanada Puntland, Jigjiga, Gaarisa iyo Kismaayo.

3- In dadka Soomaaliyeed lakala dilo leeyskuna diro, lana huriyo colaado aan dhamaan si ay horumar u gaaraan deegaanada Puntland, Jigjiga, Gaarisa iyo Kismaayo.

4- In SAHAL ay sameeyso isku xirka ganacsi (business Network) iyo talobixinta iyo badbaadinta iyo horumarinta deegaanada (environmental protection and development) Puntland, Jigjiga, Gaarisa iyo Kismaayo.

5- In laga shaqeeyo horumarinta cadaalada darada iyo ku tumashada xuquuqda qof walba oo soomaali ah, deegaanada SAHAL ka hawlgalo, islamarkaasna bulshada lagu baraarujiyo bulshada inaysan isku xaquuq ahayn, iyo ka hortagista wax kasta oo khalkahal gelin kara midnimada, xasiloonida iyo nabadgelyada bulshada Puntland, Jigjiga, Gaarisa iyo Kismaayo.

6- Ururka SAHAL wuxuu ka hawlgeli doonaa gobolada Puntland, Jubbada dhexe iyo Bakool.

Haddaan u soo laabto Ex Xildhibaan C/raxmaan Macalin Cali  waan dareemi karnaa halka uu ka dudsan yahay iyo sababta ku kalifeeysa in uu colaadan la hurinayo qeeyb ka noqdo, taas oo ah haddaad dib u raacdo marki la soo magacaabay golihii wasiirada ee dowladda Federaalka Soomaaliya waad xasuusataan wasiirki loo magacaabay beesha uu ka soo jeedo Xildhibaanku in uu iska casilay xilkii loo magacaabay.

Ex Xildhibaan C/raxmaan Macalin Cali waxaa hubaal ah isaguna waxuu xiriir toos ah la leeyahay maamulka Puntland oo waayahanba waday inay shaqo si dadban ah u soo idmato dad kasoo jeeda beelaha Hawiye, si aysan dowladda Federaalka Soomaaliya si walba loo curyaamiyo si ay u fashilanto.

Isku soo wada duub oo waxaa hubaal ah maamulka Puntland ayaa siyaasadiisi hore ee idaacad ka hadlaka ahaa waxa uu ku badalay unna tafa xeeytay siday uu ulla dagaalami lahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya iyaga oo aan ismuujineyn.

La Soco todobaadka dambe Qaybtii 4aad ee maqaalka Yaa Daaroodeey Haddaad Maqasho Reer Baa Dan Lahee Toloow Waa Reerkee?Maamulka Puntland Oo Fashilinta  Dowladda Federaalka Soomaaliya U Adeegsanaya Dad Ay Isku Heyb Yihiin Madaxweeyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdi Cabdulaahi Cismaan
Kismaayo, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com