Wararki Ugu Dambeeyay Xalaada Magaalada Kismaayo Iyo Goobaha Lagu Kala Sugan Yahay.

0

top newsKismaayo (AGGM): Waxaa shalay ka dhacay magaalada Kismaayo dagaal xooga oo u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Dagaalka ayaa waxa uu ka biloowday kadib marki ay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ku xireen saldhiga Boliiska magaalada kismaayo nin u dhashay beesha Sade oo diidanaa qaabka ay ku socdaan howlaha shirka maamul u sameynta Jubooyinka Iyo Gedo, kadibna ay ku tilmaameen in uu ka tirsan yahay falaagada Al Shabaab aya arintaas waxaa ka xanaaqay eheladi ninkaas.

Waxaa dagaal xooga uu ka biloowday saldhiga Boliiska magaalada Kismaayo halkaas oo ay  weerar ku soo qaadeen maleeshiyaadka Raaskambooni, kadiba sidaa ayuu dagaalka ugu baahay magaalada oo dhan.

Dagaalkan ayaa waxaa kaga dhintay labadi dhinac ee dirirtu u dhexeeysay 5 ka tirsaneed ciidamada Dowladda iyo 5 ka tirsan maleeshiyo beeleedka raaskambooni, halka dhaawacuna uu yahay 4 ka tirsan ciidamada Dowladda iyo 6 ka tirsan maleeshiyada Raaskambooni.

Ciidamada Dowladda ayaa hadda waxa ay ku sugan yihiin goobihi ay shalay dagaalka kula wareegeen sida saldhiga Boliiska iyo xaafadaha calanleey, iskufilan, guulwade,lugabaxsi, halka maleeshiyo beeleedka Raaskamboonina ay ku sugan yihiin xaafada Siinaay ee magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duub oo waxaa ka jira magaalada Kismaayo xaalad kacsanaan ah, waxaana laga baqayaa in ay dagaalo ka qarxaan goobo ka baxsan magaalada Kismaayo, islamarkaana waxaa kale oo la sheegayaa inay magaaalada Kismaayo ku soo wajahan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa deegaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com