Shir Wadahadal Ah Oo Ka Socda Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Waxaa garoonka magaalada Kismaayo ka furmay shir ay iskugu yimaadeen odayaal dhaqameedyada ka soo kala jeeda labadii ciidan ee shalay ku dagaalamay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Waxaana sida la sheegay shirkaan u gogol xaaray  saraakiil ka tirsan ciidanka Kenya, bulshda qaybaheeda kala duwan ,ganacsato, aqoonyahano iyo saraakiisha ciidamadii shalay ku wada dagaalamay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayaa sidii labada ciidan ee dagaalku dhex maray ee haatan is hor fadhiya loo kala qaadi lahaa nabadna loo kala dhex dhigi lahaa.

Wararka aan ka helayno madasha uu shirku ka socdo ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in shirka ay shirgodoon ka tahay Dawladda Kenya.

Waxaa dagan xaalada Kismaayo oo shalay  dagaal ka dhacay oo sababay dhimasho iyo dhaawac gaaaya tobaneeyo ruux,waxaana laga dareemayaa haatan gudaha magaalada daganaansho.

Dhinaca kale waxgardka beesha Sade ayaa ku canbaareeyay dagaalkii shalay ka dhacay Kismaayo inay  lug  ku leeyihiin ciidamada Kenya oo haatan  jooga qaybo ka mida gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo ku howl gala magaca AMISOM.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com