Ragga Ku Shiraya Magaalada Garbahaarey Ee Ku Dhici Waayay Inay Ka Hadlaan Dagaalka Ka Dhacay Magaalada Kismaayo Malagu Haleeyn Karaa Masiirka Dadka Gedo, Waqooyiga Galguduud Iyo Jubbooyinka?

0

Garbahaarey1Sida aad la socotaan waxaa shalay ku dagaalamay magaalada Kismaayo ciidamada Dowladda iyo kuwa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, ilaa haddana ciidamadi waxa ay ku kala sugan yihiin goobihi shalay uu dagaalku ka dhacay ee magaalada Kismaayo.

Dhanka kale waxaa shir uu uga socday magaalada Garbahaareey mas’uuliyiintan oo magaalada Garbahaarey ku xalinayay ismaan dhaafka ku aadan maamul usameeynta Jubooyinka iyo Gedo.

Haddaba su’aasha isweeydiinta mudan ayaa waxa ay tahay Mas’uuliyiinta ku shiraya magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo, dhagaha mala’a, mana ay mooga in magaalada Kismaayo dagaal ka dhacay, dagaalkaas oo dhexmaray dadka ay leeyihiin mas’uul baanu u nahay iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, maxaase ku qasbay mas’uuliyiinta ilaa hadda inaysan ka hadlin dagaalka ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose?

Su’aasha labaad ee iyana isweeydiinta mudan ayaa waxa ay tahay walaalaha hadda ku shiraya magaalada Garbahaareey ee aan kari waayay inay ka hadlaan dagaalada ka dhacay magaalada Kismaayo malagu haleeyn karaa masiirka dadka ku abtirsada Gedo, Waqooyiga Galguduud iyo Jubbooyinka?

Ku Fogaan meeyno wiilashu waa wiilasheeni balse waxaan leenahay walaalaheen keebaa muhiim ah Quud aan jirin (Maamul Riyo Ah oo adiga la doonayo in lagu dilo) dadkiina iyo deegaanadiina? Soomaaliduna waxa ay ku maah maahdaa (Meel Aad Adiga Madaxeeda Tahay Manjaheeda Lama Noqdo) ee idaacdaha warkiina halaga maqlo hadii aad rajo danbe ka qabtaan dadkan iyo deegaanadan inaad hogaamisaan.

Isku soo wada duub oo dadkeena waa inay fahmaan ujeedka dhabta ah ee mas’uuliyiintan ku shiraya magaalada Garbahaareey  ay uga hadli waayeen ilaa hadda dagaalada ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com