Ma Anaa Waalan Mise Cadan Baa Laga Hesayaa?

0

MaqaalWaxaan isweeydiiyay mar aan booqday qaar kamid ah shabakada reer Puntland ayaan waxaan soo arkay qoraalo aad u qosol badan oo uu kamid ahaa mid cinwaankiisu yahay Rag (Jalaaliib xiran oo Kismayo weeraraya (Sir la helay)(Raggan ayaa waxaa hogaaminaya Bare-Hiiraale iyo indhacade oo Dawlada ay maal-gelisay), markaan akhristay aniga oo kaligay ah baa qoslay ee Ma, Anaa Waalan Mise Cadan Baa Laga Heesayaa?

Waxaan isweeydiiyay yaa jooga magaalada Kismaayo oo indha shareer laga xirtaa, amaba laga baqayaa Soomalidu waa ay istaqaanaa oo waa ood wadaag xidid iyo qaraabo’e, taariikhda Soomaaliyeedna waa ay ku qoran tahay indha shareerka ninka xirtay ee Soomaaliga ah.

Ninweyn iyo umilisaba sideey wax u ogyihiin wax umma sheegaan’e, Dadku waxaa wanaagsan inay si gobeed u diriraan haddii aysan u diririna waa inay adkeeysi yeeshaan beri marki lagu qaad qaado ama siday u dhaqmayaan loola dhaqmo, waa in aysan cataabin oo ay adkeeystaan. ma fileeysaan shabakadaha Puntland inay adkeeysi u leeyihiin hadii shabakadaha Mareexaan u jawaabaan? adinka ayaan idiin daayay jawaabtaas.

Mida kale ee aadka iiga yaabisay waxa ay tahay reer Puntland maxey uga Baqaan Yuusuf maxamed Siyaad Indhacade? ma indhacade baa jooga magaalada Kismaayo oo ku dagaalamaya hadda? waxaan qabaa  haddii ay Alle subxaanuhu watacaalaa sidaa uga baqi lahaayeen inay waxbadan u hagaagi lahaayeen.

Dhanka kale Dib aan u raaco taariikhda, waxaa soo laa laabatay oo reer Puntland laga kari waayay Mareexaan Baa Hawiye Raacay.

Hawiye waan israaceeynaa sababtoo ah waa dad Soomaaliyeed, aanu isdileeyno, isguursaneeyno, isdhaleeyno, isdhaceeyno isna duugeeyno, waa Soomaali, baqdina kama qabi karno dad Soomaaliyeed oo nala wadaaga Diin, Deegaan  iyo Dalba.

Hadaanse u soo laabto ninba si buu u yaqaan caayda ama gunimada’e, 1991 iyada oo uu socdo dagaaladi aafeeyay dalka Soomaaliya ee qabiiliga ahaa dhiiga Daaroodna uu daadanayo, dadki daaroodna qaxayaan, yeey ahaayeen cidi gadaal inta ka wareegatay hoos fadhiday Cali Mahdi Maxamed oo xil u doontay? waa su’aal jawaabteeda aan idiin daayay.

Waa Cidee cida Daarood dhabarka jabisay marki ay doonayeen inay dib u qabsadaan magaalada Muqdisho?

Magaalada Gaalakcyo ayaa waxaa lagu dilay ku dhawaad 800 oo ruux oo u dhashay Puntland, maantana xamdi alle’e waa lawada arkaa si nabad ah magaalada Gaalkacyo inay ku wada sugan yihiin Galmudug iyo Puntland oo uu madaxweyne u yahay C/qeybdiid oo si wanaagsan loola socdo qeeybti uu kulahaa xasuuqi ka dhacay magaalada Gaalkacyo, haddaba maxaa xalaaleeyay Gen. C/qeybdiid maxaase xaaraantinimeenaya Indhacade? waa su’aal jawaabteeda aan idiin daayay.

Ka biloow dowladdi Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan ee uu R/wasaare ka noqday Xasan Abshir Faarax, Madaxweeyne C/llaahi Yuusuf Axmed AUN’e, R/wasaare Cumar C/rashiid, R/wasaare C/weli Maxamed Cali ayaa soo maray qabasha xilalka dowladda Soomaaliya meeynaan maqal YAA DAAROODEEY, maanta maxaa keenay inaan maqalno YAA DAAROODEEY? waa su’aal jawaabteeda aan idiin daayay.

Waxaa iinoo soo baxaysa oo si waadix ah noogu muuqata in reer Puntland sida kaneecada inay dad ku dul nool yihiin mooyee aysan iyaga oo kaligood ah noolaan karin, Waa Uu Dhamaaday Waqtigii Teeyda Waa Iigaar Taadana Waan Kula Leeyahay.

Isku soo wada duub oo Soomaalida waxa ay ku maah maahdaa Jin Uunbaa Jinka Arka, waxaa kale oo ay soomalaidu ku maah maahdaa Xasan Qod Qod Ma Daayo ,Qeeylana Ma Daayo, jinki idin arki jiray waa joogaa waxuuna dhoowrayaa sida aad u hab dhaqankiina jawaabtiisuna waad taqaanaan oo la idiin faah faahin maayo seey u xanuun badan tahay.

Wabilaahi Towfiiq

Cabdi Cabdulaahi Cismaan
Kismaayo, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com