Falaagada Al Shabaab Oo U Dabaal Dagay Dagaalki Shalay Ka Dhacay Magaalada Kismaayo.*Dhagayso*

0

alshababMuqdisho (AGGM): Xili maalintii shalay ahayd dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan Dawlada soomaaliya iyo kuwa jabhada Raaskaambooni  ay ka dhaceen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose,  ayaa arinkaasi waxaa ka hadlay horjooge C/raxmaan Xudayfa oo ah horjoogaha maleeshiyaadka falaagada Al Shabaab ee gobolada Jubooyinka, waxaana uu ku tilmamay ergada ku hawlan shirka maamul u samaynta Jubooyinka inay ku fashilmeen taasi ay tusaale u tahay dagaalkii shalay ka dhacay.

Dhinka kale Horjooge Xudayfa ayaa tilmaamay in maamulka Kismaayo ee KMG ah in haatan dhibaato badan uu ku hayo  shacabka ku dhaqan halkaasi.

Tan iyo markii maleeshiyaadka falaagada Al Shabaab laga saaray magaalada Kismaayo ayaa ciidamada huwanta ah ee qabsaday magaalo xeebeedka Kismaayo marar badan ku dhex dagaalameen.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/02/Maqal-iyo-muuqaal.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com