Wararki Ugu Dambeeyay Xaalada Magaalada Kismaayo Iyo Waan-waan Laga Dhexwado Ciidamo Ka Tisan Ciidamada Dowladda Iyo Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

0

top newsKismaayo (AGGM): Wararka ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in uu istaagay dagaalki xoogganaa ee saaka gudaha magaalada ku dhexmaray ciidamo ka tirsan ciidamada dowaldda Soomaaliya iyo maleeshiyo beeleedka Raaskaambooni.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in cutubyo katirsan ciidamada Kenya ee dalka Soomaaliya ku jooga magaca AMISOM ay ku guuleeysteen in ay kala dhexgalaan dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay.

Goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo oo Allgalgaduud Media u waramay isagoona ka gaabsaday in magaciisa aanu shaacino sababo la xiriira dhanka ammaankiisa ayaa inoo sheegay in dagaalkii maanta uu ahaa mid aad u xooggan islamarkaana labada dhinac ay isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogahan ayaa waxa uu inoo sheegay Dagaalkan xooggiisa uu ka dhacay xaafadaha Calanleey, Farjanno iyo xaafadda Faanoole, isaga oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa akle oo uu inoo sheegay lagu soo in ay  jiraan khasaare xooggan oo kala gaaray labada dhinac ee ku dagaalamay magaalada Kismaayo.

Dagaalka maanta  ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen dad gaaraya ku dhawaad 7 qof oo ay ku jiraan labo horjooge oo ka tirsanaa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, waloow ay dhici karto inay intaasi ka bataan, waxana la sheegayaa in dhaawacuna intaasi ka badanyahay.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxaya horjoogeyaasha Maleeshiyada Raaskambooni ee magaalada Kismaayo, warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in lagu guuleeystay in lakala qaado ciidamada maleeshiyada Raaskambooni iyo kuwa ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Waxaa iminka ka socda gudaha magaalada Kismaayo dadaallo lagu doonayo in lagu dhexdhexaadiyo ciidamadas isdiidan ee uu soo laabanayo dagaalada u dhexeeya,  dhexdhexaadintan ayaa waxaa  wada waxgaradka iyo siyaasiyiin ku sugan magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Isku soo wada duub oo Dagaalkan ayaa kusoo beegmay xilli todobaadyadi ugu danbeeyay ay magaalada Kismaayo ka soconeeyeen qabanqaabada shir la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada Jubooyinka iyo Gedo, kaasoo la filayay in uu maanta furmo balse badalkiisa uu noqday dagaal faraha looga gubtay uu saaka ka dhaco magaalada Kismaayo.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com