War Deg Deg Ah: Isgaarsiinta Magaalada Kismaayo Oo Hawada Ku Soo Laabatay Iyo Warar Dheeri Ah.

0

breaking newsKismaayo (AGGM): Waxaa bacda salaadi maqrib hawada ku soo laabtay isgaarsiinta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Shabakada Allgalgaduud ayaa waxaa u suura gashay inay qadka telefoonka ku hesho mas’uul ku sugan gudaha magaalada Kismaayo oo ay ka wareesato sida ay tahay xaalada magaalada iyo qasaaraha ka dhashay dagaalki maanta ka dhacay magaaladasi.

Mas’uulka oo ka gaabsaday magaciisa ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay in ciidamadi ku diriray maanta gudaha magaalada ay soo kala gaartay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac baaxad weeyn, balse mas’uulka waa uu ka gaabsaday inuu carabaabo inta ay le’eg tahay qasaarahaas.

Goobjoogahan Mas’uulka ah ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay inay weli ciidamada ku kala sugan yihiin laba goobood oo uu ku sheegay inay kala yihiin, Madaxtooyada Kismaayo iyo Saldhiga Booliska magaalada Kismaayo.

Mas’uulkan ayaa waxa kale oo uu sheegay in ay socoto waan waan lagu doonayo in lagu baajiyo xiisadan colaaded ee ka taagan magaalada Kismaayo, waloow uu sheegay in saacad walba ay wax isbadali karaan maadaama ay jirto xiisad kacsanaan ah oo ka dhex taagan ciidamo ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Dhinac kale dowladda Soomaaaliya ayaa waxa ay maanta baaq u dirtay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Kismaayo inay si deg deg ah u joojiyaan colaadaha islamarkaana dhamaan gudiyada mamaulusamaynta Jubbooyinka iyo Gedo ay isugu yimaadaan magaalada Muqdisho.

Isku soo wada duub oo waxaan la saadaalin karin halka ay jaan iyo cirib dhigayso xiisadan colaadeed ee ka aloosan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Waxii kasoo kordha wararka xiisada colaadeed ee magaalada Kismaayo kala Soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com