Waa Sidee Xaalada Magaalada Kismaayo Kadib Dagaaladi Maanta Ka Dhacay.

0

KISMAAYOKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta magaalada Kismaayo uu ka dhacay dagaal.

Dagaalka ayaa yimid kadib marki shalay ay xabsiga u taxaabeen maleeshiyada Raaskambooni oo garabsanaya ciidamada Kenya rag ku abtirsada Beesha Sade oo ku sugnaa guryahooda oo ku yaal magaalada Kismaayo.

Maleeshiyada Raaskambooni ee gabaadka ka dhiganaya ciidamada Kenya ayaa waxa ay beryahanba ka wadeen magaalada Kismaayo inay dadka u caga jugleeyaan iyagoo isku haleenaya ciidamada Kenya ee ku jooga dalka Soomaaliya magaca ciidamada AMISOM.

Qadadka telefoonada oo Gabi ahaan hawada ka maqan balse xiiliyada qaarkood mudo kooban  shaqeenaya awgeed ayaan ilaa hadda waxaa la xaqiijin karin dhimashada iyo dhaawaca uu reebay dagaalki maanta ka dhacay  magaalada Kismaayo, waloow warar aan la hubin ay sheegayaan in dagaalka ay ku geeriyoodeen horjoogeyaal ka tirsanaa maleeshiyada  Raaskambooni.

Khilaafkan hareeyay gacan ku heynta Magaalada Kismaayo  hadii aysan Dowladda Soomaaliya xal deg deg ah u keenin,  magaalada Kismaayo waxa ay noqon doontaa magaalo uu ku daato dhiig fara badan.

Isku soo wada duub oo magaalada Kismaayo ayaa waxa ay haatan u muuqataa dhari si aad ah u karaya oo aan la garanayn waqtiga uu daboolka ka dhici doono.

Fiiro gaar ah: Halkan guji kana akhriso warbixinti shalay ay qortay shabakada Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com