Warbixin: Kismaayo Oo Ay Ka Taagan Tahay Maamulka Waan Diidnay Iyo Al Shabaab Ayaa Tahay Haddaad Diido Maamulkaan Wadano.

0

KISMAAYOKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya maanta magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta magaaladaas xabsiga loo taxaabay dad gaaraya ilaa 50 ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin falaagada Al Shabaab.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dadka maanta la xir xiray badankood lagala soo baxay guryaha ay ka daganaayeen magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa hadda si aad ah ugga socda qofkii looga shakiyo inuu diidan yahay amaba saluugsan qorshaha maamulka loogu sameenayo Jubooyinka iyo Gedo in lagu shaabadeeyo waxa uu ka tirsan yahay amaba ka tirsanaa falaagada Al Shabaab.

Dhawaan ayay ahayd markii mas’uuliyiin u dhashay beesha Sade ay hanjabaad u jeediyeen odayaasha dhaqanka beesha Sade ee ku sugan magaalada Kismaayo iyada oo ay odayaashuna ugu jawaabeen qolyihi u hanjabay waxa ay sameen karaan in ay sameeyaan.

Waxaa soo noq noqday hanjabaad iyo hunbaalaynta lagu hayo waxgaradka beesha Sade ee ku sugan magaalada Kismaayo iyada oo aysan jirin wax ay ka qabatay dowladda federaalka Soomaaliya iyo saraakiisha kasoo jeeda beesha Sade ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Waxaa jiray dilal iyo jirdilo loo geeystay dad kasoo jeeda beesha Sade oo illaa hadda aan loo soo qaban cidi falalkaas fulaynimada iyo waxuushnimada ah geesytay.

Isku soo wada duub oo magaalada Kismaayo ayaa waxa ay haatan u muuqataa dhari si aad ah u karaya oo aan la garanayn waqtiga uu daboolka ka dhici doono.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com