Shan Ruux Oo Loo Qabtay Qarax Xalay Ka Dhacay Degmada Waaberi Ee Magaalada Muqdisho.

0

Boolis1Muqdisho (AGGM): Ciidamada booliska ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay shan nin oo lagu eedeynayo in ay ka dambeeyeen qarax xalay ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho iyo gaari ay wateen.

Ciidamada ayaa gaariga iyo dadka saarnaa ku qabtay isgoyska Dabka, halkaasoo uu qaraxa ka dhacay.

Guddoomiyaha maamulka degmada Waaberi Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in dadka la xiray looga shakisan yahay in ay iyagu tuureen qaraxa, wuxuuna xusay in maxkamad la soo taagi doono maalinta berri ah.

Qaraxa  waxaa ku dhaawacmay shan qof oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidanka dowladda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com