R/wasaare Saacid “Magaalada Muqdisho Inay Nabad Tahay Waxaa Cadeynaya Wufuuda Caalamiga Ah Ee Ku Soo Qulqulaya”

0

saacid34Muqdisho (AGGM): Raisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay in xaalada amaanka ee magaalada Muqdisho ay tahay mid la isku haleyn karo kaasoo bilow u ah ayuu yiri in Soomaaliya oo cagta saarto wadadii nabada iyo dib u dhiska.

Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay in xukuumada Somalia ay wado dedaalo lixaad leh oo ay ku xoojineyso amniga iyo horumarka caasimada iyo qeybaha kale ee dalka, isagoo qeybaha bulshada ugu baaqay iney gacan ku siiyaan arintaas.

“In caasimadeenii Muqdisho oo mar aheyd meelaha ugu xun caalamka ay ku soo laabatay nabad iyo horumarka waxaa kuugu daliil ah wufuuda caalamiga ah ee maalin kasta soo booqaneysa, waxaana sii kordhaya dowladaha safiiradooda u soo magacaabaya” ayuu intaa ku daray Raisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Raisul wasaaraha ayaa sheegay in dib u dhiska ka socda magaalada qeybo badan oo ka mid ah uu dhiirigelin u yahay iney soo jiidato maaalgelin caalami ah, isagoo tilmamay in haddii caasimada ay hagaagto uu dalka intiisa kalena hagaagayo.

Inkastoo magaalada Muqdisho ay ka dhamaadeen dagaaaladii cuslaa labo sano ka hor markii ciidamada dowlada iyo AMISOM ay ku qasbeen Al-shabaab iney ka baxaan caasimada ayaa hadana dhinaca kale waxaa ka dhaca mararka qaarkood weeraro isku jira qaraxyo kala nooc ah iyo dilal qorsheysan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com