Maxey Tahay Danta Itoobiya Ugu Jirta Maamulka Jubbaland?

0

juba and itoobiyaMaqaal: Wax badan ayaa arrinta maamul u sameynta Jubbooyinka lagu aqrinayey ookiyaale qabiile, bal markaan aan u gashanno ookiyaale istiraatiijiyadda dowladaha gobolku ka leeyihiin maamulkaas muranka badani ka taaganyahey.Dowladda Itoobiya waa dowladda kaliya ee laga yaabo wax aysan dowladda soomaaliyeed raalli ka aheyn iney ka meel marin karto dalka Soomaaliya, haddey sidaas gacan uga hesho qeyb ka mid ah bulshada soomaaliyeed.

Ma jiro qabiil kaligiis wax aysan dowladda Soomaaliyeed raalli ka aheyn ka sameyn kara jubbooyinka isagoon Itoobiya taageero ka heleyn qabiilkaasi.

Haddaba arrinta is weydiinta mudan waxey tahey muxuu yahey mowqifka Itoobiya ee ku wajahan Jibbooyinku? Ma taageersantahey mise way kasoo horjeeddaa maamulkaas shirkiisu ka socdo hadda Kismaayo?

Arrintaas la isma weydiin oo si fiican looma raad raacin. Waxaana kasoo baxaya Itoobiya ishaarooyin aan hal dhinac u socon oo is burinaya. Laakiin ilaa hadda ma cadda iney kasoo horjeeddee iney taageersantahey maamulkaas ayaa muuqaneysa.

Haddey kasoo horjeeddo way soo bixi doontaa,laakiin aan kasoo qaadno iney taageersantahye maxaa sabab u ah Itoobiya oo Ogaadeen wax la raadineysa maxaa ku hoos qarsoon?!!!!

Maxey tahey danta Itoobiya ka leedahey dhisitaanka Jubbaland?

Haddaan dhanka wanaagga ka eegno oon niyadda u hagaajinno Itoobiya waa iney dooneyso iney qabiilka hadda maamulkaas hor boodaya ku laaluushto Jubbooyinka si ay Kililka Shanaad qabiilka u badan dagaalkana kula jirey Itoobiya oo Ogaadeenkaa ay nabad u qaataan oo ay shidaalka dhulkaas ku jira  si nabad gelyaa ugala soo baxdo! Waa suurto gal iney sidaasi jirto waana sida hadda Ogaadeenka Jubbaland taageersan u qaateen kuna shaqeynayaan. Itoobiya haddey Ogaadeenka ku taageerto Jubbaland muxuu Ogaadeenku siinayaa Itoobiya? Waa su,aal u baahan in la is weydiiyo!

Sida kale oo suurto galkaa waxey tahey in Itoobiya dooneyso iney isku disho kalana disho Ogaadeenka iyo soomaalida kale oo ay conflict ka dhex abuurto ay isku colaadiyaan waqti dheer si iyadu ay soomaalida kale uga hesho garab lagu cuna qabateeyo Ogaadeenka.

Waxeyna kale oo arrintaasi ku saacideysaa Itoobiya iney soomaalida isku jaan jaanto oo iyagu isku sameeyaan containment ama iney iyaga isku mashquuliso oo ay firaaqo u waayaan iney dhistaan dowlad xoog leh.

Haddey Itoobiya weli ku taagantahey tubteedi iyo istiraatiijiyaddeedi aheyd ineysan Somaliya yeelan dowlad xoog leh,markaas waa gar iney taageerto oo garab siiso qabiil kasta oo carqalateynaya dowladda soomaalieed. Haddey tahey G/Gaduud,Hiiraan,Bay ama Jubbooyinka waa iskugu mid markaas oo qolo kastoo dowladda soomaaliyeed isku taagta waa u dan.

Arrintaasi ma ahan mid qarsoon oo ka qarsoon caalamka iyo soomaalida intaba. Oo xataa soomaalida Itoobiya garabka uga raadsaneysa “danahooda gaarkaa” way la socdaan in Itoobiya caawineyso ciddii carqalad ku keeneysa soomaaliya oo ah qaran xoog leh oo is difaaci kara oo mid ah.

Laakiin waxaa jirta in madaxda dowladda soomaaliyeed oo hadda jirtaa isku dayeen iney Itoobiya ka qanciyaan iney danteeda mashruucaa ka heli karto Soomaaliya oo qaran ah oo mid ah. Waana dhab haddii loo kaco dhanka iskaashiga iyo wax wada qabsiga in labada dalba midba kan kale wax u faa,iideyn lahaa intey is dhibaateyn lahaayeen.Laakiin su,aashu waxey tahey Itoobiya waa loo bandhigey fikraddaase iyadu ma iibsatey aragtidaas oo dan maka leedahey soomaaliya qaran ah oo jirta?

Maxey kale oo tahey waxa Itoobiya u taageereyso gobol kale oo dowladdii dhexe ku amar diidey oo maamul aysan dowladdiisi oggoleyn ay wax uga dhiseyso haddey Itoobiya daacad ka tahey arrintaas?

Danta qabiilka maamulkaas hor boodaya uu ka leeyahey haddey Itoobiya ku saaciddo maxey Itoobiya iyadu ka heleysaa oo uu qabiilkaasi iyada siinayaa?

Warsame Gaabane(Wadaad yare)
Wadaadyare09@gmail.com

Fiiro Gaar Ah: Qoraalkan Waa Fikirka Qoraaga Marnaba Kama Uu Turjumayo Fikirka Allgalgaduud Media, Waxii Amaan Ah Amaba Dhaliil Ah Kala Xiriir Qoraha Emailkiisa. Wadaadyare09@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com