Hogaamiyihi Hore Ee Dalka Liibiya Mucamar Al Qadaafi Oo Lagu Eedeeyay Inuu Taageeri Jiray Falaagada Al Shabaab.

0

gaddafiLondon (AGGM): Sida lagu qoray wargeyska Al Sharq Al Awsat  oo ka soo baxa magaalada London M/weynihii hore ee dalka Libiya Korneyl Mucamar Al-Qadafi ayaa la ogaaday inuu taageero dhinacyo badan leh siin jiray ururo hubeysan oo ay ka mid tahay falaagada  Al Shabaab.

Wargeyska oo sheegay inuu helay qoraalo sir ah oo muujinayo in Qadafi intii uu hayay xilka madaxtinimada Libya inuu si buuxda u taageeri jiray kooxo hubeysan oo ka dagaalama wadamo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Yemen iyo Ciraaq.

Falaagada Al Shabaab ayaa qoraaladaani sheegayaan inuu ku taageeri jiray tababarada dagaalamayaashooda , hubeynta iyo dhaqaalo fara badan oo uu siin jiray.

Wargeyska oo qoraaladaan uu helay sii tiox raacaya ayaa ku waramaya in Mucamar Al-Qadafi uu tababarida ragga u dagaalama falaagada Al Shabaab ku bixiyay lacag lagu qiyaasay 10 million oo Dollar ka Maraykanka ah iyadoona tababarida kunkii dagaalame oo Shababab ahna uu ku bixiytay lacag dhan 7.5 million oo Dollar.

Warbixinta uu wargeyskaani qoray waxaa sidoo kale lagu sheegay in Qadafi uu aad uga shaqeyn jiray isku xirka Al-Qacidada Soomaaliyya iyo kuwa gacanbka Cadan ee dalka Yemen ka dagaalama dhawr jeerna uu inta hub ka qaaday Soomaaliya uu geeyay Yemen kadibna loo sii gudbiyay dalka boqortooyadda Sacuudiga oo Yemen ay daris yihiin.

Qoraalkaan uu daabacay wargeyska Asharqal Awsad ayaa si buuxda u muujinaya in M/weynihii la dilay ee Libya uu si weyn ugu lug lahaa dagaaladii Soomaaliya ka dhacay ee dhex marayay dawlada Soomaaliya oo garabsanaysa ciidamada AMISOM iyo falaagada Al Shabaab oo Al-Qacida bah wadaag la ah.

Dhawr jeer ayaa la sheegay in falaagada Al Shabaab oo ay ajaanib ka bar bar dagaalanto ay taageero ka helaan qaar ka mid ah dawladaha caalamka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com