Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Oo Beenisay Warar Ay Daabaceen Qaar Kamid Ah Shabakadaha Soomaalida.

0

Villa-SomaliaMuqdisho (AGGM): Saraakaal lagu kalsoonyahay oo ku sugan Madaxtooyada Somalia ayaa sheegay in qoraalo ku soo baxay Webside-yada soomaalida ay tahay mid aan waxba ka jirin

Sarkaal katirsan Xukuumadda Somalia oo codsaday in aan la shaacin Magaciisa ayaa Tilmaamay in Qoraalo kusoo baxay warbaahinta ay tahay mid lagu jah-wareerinaayo Xukuumadda Somalia waxa uuna sheegay Sarkaalkaasi in Xukuumadda Somalia aan lagu sameyn doonin wax isbedel ah inta ay ka dhameysato waqtigeeda, waa sida uu hadalka u dhigay’e.

Qoraalo ku soo baxay qaar kamid ah Webside-yada Soomaalida  ayaa sheegayay in Madaxweynaha uu ka fakiraayo sidii uu xilka uga qaadi lahaa Raisul wasaare Saacid waxa ayna qoreen in madaxweynaha uu doonaayo in xilka Raisul wasaaranimo uu u magacaabo Ismail Maxamuud Hure ”Buubaa” oo kasoo jeeda dhanka Somaliland Hayeeshe arintaasi ayay Xukuumadda ku sheegtay in ay tahay hadal mala’awaal ah oo ay iska daabaceen warbaahinta

Qoraalada uu Sarkaalka xogta nasiiyay ku tilmaamay inay  Been abuur ahaayeen ayaa waxa ay ku soo beegmaayan Xilli Raisul wasaare Saacid Horumar la taaban karo uu ka sameeyay maamul wanaaga qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya, waxa uuna Booqasho kala duwan kusoo baxshay Gobolo laga saaray amaba laga xoreeyay Argagixisada Somalia.

Haba yaraato’e ma ay jiraan wax khilaaf ah oo u dhaxeeya Madaxweynaha iyo R/wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya cidi sugaysana in ay is khilaafaan waqtiga ayaa uga dhumaya iyagoo leh khilaaf baa jira, run ahaantiina waxaan ugu baaqayaa dhamaan dadka fadhi ku diriryada iyo webside-yada wararka beenta ah kaga sheekeenaya amaba ku daabacaya inay dalkooda u soo laabtaan oo ay ka qayb qaataan dib u dhiskiisa inta ay ku mashquulayaan waxaan dani ugu jirin dadkooda iyo dalkooda. waa sida uu hadalka u dhigay’e.

Si kastaba ha ahaatee Sarkaalka ayaa si kulul u beeniyay Qoraalada laga baahiyay Raisul wasaaraha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in dadkii beentaasi baahiyay ay fadeexo soo wajahday isaga oona sheegay in sababta Golaha wasiirada loo yareeyay tahay in aan mudane lagu sameyn wax xil-qaadis ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com